Tuesday, September 30, 2014
Sunday, September 28, 2014
Dardaaran
Mar waliba oo la iga casuumo aroos waxaa buuxi jiray qalbigeyga farxad maba kusii jirto marka qof aan aqaano ama qaraabo nahay arooso.
Sanadkaan waxa uu ii lahaa dareen gaar ah waayo waxaa aroosay dad badan oo ii
dhaw taasna waxa ay igu dhalisay inaan siiyo dadkaas dardaaran iyo talooyin haba iska yaraadaane.
Dardaarankaan waa mid aan ugu tala galay saaxib igu qaali ah
laakin waa mid aan is leehay dadka oo idil ayuu la dardaarmaya anigaba aan iska
billaabe.
Inkasta oo aan guursanin wali hadana waxaan ogahay in “Guurku” yahay mas’uuliyad weyn una baahan in looga soo
baxo sida ugu wanaagsan si loo helo bulsho wax tar leh.
Lammaanaha kalgaceyl kuwada noolaada waxa ay soo saaran
caruur maskax furan oo mustaqbal fiican leh.
Halkaan waxaan jeclahay inaan kusoo gudbiyo dardaarn aan u qoray qaab
suugaan ah inkasta oo aan eheyn abwaan waxaa ka buuxa deel-qaaf taasna waan
idinka raali gelinaya.
Hore waxaan u qoray dardaaran laakin kaas waxa uu ku
wajahana madaxda hadana waa guurka.
Dardaarankaan horuu qaado
Dadab-galkiina Daa’im ha dhowre.
Dhuuniga ii dhaweey maaha
Dharaar iyo habeen dhammaan
Ku qeyla dhaami maaha .
Dhib yaro dhaca dabadeed
Dacar dillaaci maaha
Dharbax oo dalaaq maaha
Deriska how degan maaha
Dabuub dhoohan iyo dhawaq
dhibaaya dheh maaha
Duhur waliba dhaliil maaha
Dulqad la’aanoow maaha
Diidmiyo daneyn la’aan maaha
Darajadana ka durji maaha
Kaliga doobi maaha
Dhawaqeed ha dhegeysan maaha
Dulmi la doon doon maaha
Xaqana dudsii maaha
Dood haddey timaadana
Afka ka dabool maaha .
Dardaarankeygu waxaa waaye
Daacada Eebe doon waaye
Dariiqi Rasuulka (scw) raac waaye
Deganaashiyo diirsi hel waaye
Dahabadaadaa daryeel waaye
Dhallaan daadaheey waaye
Ka duwanaaw daciif waaye.
Dadaal dheeriya sameey waaye
Dhuux iy dhiig wadaag waaye
Kalgaceyl dhameystir waaye
Dhawaq diiran iyo dheelsiin waaye
Dhugasho fiican lahaaw waaye
Daryeel oo daweey waaye
Daaha daakira waaye
Tahajudkana dukada waaye
Denbi ka duceysta waaye
Dar ilaah u noolaada waaye
Dulmi how dhaweyn waaye
Dirirna ka daay waaye
Ul iyo diirkeed ahaada waaye
Iskuna duubnaada daa’im waaye”
Wabillaahi Towfiiq.
Friday, September 26, 2014
Dardaaran.
Dadka yaan la Daalin
Yaan la daba rogin
Dooqoodana la Dhicin.
Dalka yaan la Dumin
Dibbad loo Dareerin
Darajana la waayin
Dumarka yaan la Dooxin
Asaay la dul saarin
Dayac loo bareerin
Dhallaanka yaan la Dhaawicin
Dariiqa laga Doorinin
Dibna loo Dhaliilin
Dulucdiyo dhawaaqeyga
Danta aan u daadago
Dulmiga hala Daayo
Dilka hala Dhaafo
Doorashada hala dhowro
Dimoquradiyada daadiyaha
Dadkana yaan la dinbaajin
Doorane waa Diyaare
Degaanka hanalo dejiyo
Ninkii doona daraja dheeriyana
Dariiq loo mara dhigan
Dhan kali aan ka dhugto
Daahir hala sii daayo
Dahabo yaan wax loo dhimin
Dhaawacyada yaan la dawa tirin
Digtoorada ha dul joogaan
Dugsiyadana dib haloo furo.
Daalim aan usii digo
Garsoore haloo daayo
Dilaaye daqiiqad dabadeed
Dilbaa u danbeeye
Dardaaran aan ku sii daro
Midnimadaa dan noo ah
Maanshaqeynta dahaba
Duhur yaan nala xadin
Dal jir wada ahaano
Ninkii dayaca deyrkiis
Diiwaanka qarankiyo
Taariikhda halagu dhigo
Naceyb hanagala daayo
Daacad wada ahaano
Dar Alle u dhaqaaqno
Ugu danbeyntiina dadkeygow
Dadaalkeyga waajibkiyo
Dardaaranka kama daalo
#Dardaaran
Maxamed M Axmed Baari
30/5/2014
Thursday, September 25, 2014
Monday, September 22, 2014
Maan Goror.
Maan Goror.
“Qoraalkii igu soo gaar
Qaahira qaararkeede.Qalbigisu qeexay niinkiiQoray qadaadufkaase.Qowm horaa ku khasaarayKana Qalama weeynaayeAsna Qaadir hadduu yiraaKu quus qaada doonyeQowl qallafsanuu ahaaQorsho laga lahaayeCulimaduu u quuri waayeQiimahoodi qeexnaaye.Qalad buu ka maaganaQadarina muu quurineIsma qabtaha qeylinaayaQalin yuu idinku qaldina".
Waxaa dhici karta qofku inuu rabo inuu noqdo caan markaas”Yoolkiisu”
waxa uu ka dhigtay sida uu ku noqon lahaa caan .
Si uu u gaaro heerkaas waxa uu sameynayaa qorshe. Qorshahaas
dadka wanaagsan waa mid u leh nidaam iyo mabaadi’ kuwaas oo aan waxba u dhimeyn
qiimaha iyo qaayaha uu leeyahay qofkaas iyo waxa ku hareerreysan. Tusaala ahaan
ma dejisanaayo qorshe ka hor imaanaya Diintiisa iyo wanaaga dadkiisa.
Laakin qofka aan kala jecleyn wanaag iyo la’aantiis waxaa
dhacda inuu wax badan isku lifaaqo si uu u gaaro yoolkiisa kamana fikiro dadka
kali ama waxa ku hareererysan, ma ilaaliyo anshax iyo sharaf toona mana kala
yaqaan dariiqa furan ee la maro iyo kan xiran (howtul hamag).
Waayadi Dowladi dhexe kadib, dalku waxa uu galay fowdo taas
oo keentay in dadka qaar sameeyaan wixii
kusoo dhaca maadama uusan jirin nidaam loo wada hoggaaansamo, waxaa dhacay
dagaalo badan oo marba waji cusub lahaa.
Wax yaabaha cajiibka lahaa waxaa ka mid ah in qofkii raba
inuu caan noqdo ama magac yeesho uu sameeyn jiray wax laga naxo sida inuu is-baaro dhigto”
Jid Gooyo”. Qofka is-baarda leh waxa uu ka ahaa caan goobtaas, waxa uu isku
dayi jiray inuu sameeyo wax yaabo uu uga
duwanyahay is-baarooyinka kale.
Qaarba dadka miisami jiray si looga qaado lacag u dhiganta culeyskooda,
qaar kalina waxaa la oran jiray qofka maanta
nasiib ayaad leedaahay kaliya hees qaad waa lagu deynaaya.
Intaas kadib waxa dhacday in la billaabo shirarkii nabadeynta
iyo heshiisiinta, Nin ka mid aha hogaamiyaashi
waagaas jiray ayaa maalin loo diiday shir inuu ka qeyb galo
waayo mid kali oo metala beesha ayaa galay, waxaana lagu yiri “shirka waa loo dhanyahay ee
iska laabo”
Afka ayuu furtay isaga oo ku dhawaaqaya mid ka mid ahaa raggi
fadhiyay shirka kadibna yiri “ Hebel
ayaa galay anna waa la i celinaya ciddeyduba yeeli meyso”.
Halkaas ayuu gaaray Maan Gororka raggii mudda dheer dalka
qasay ee dhibkoodi illa hadda aan ka
kaba la’nahay.
Ninki raba inuu noqodo hoggaamiya caan ah, waxaa lagu yiqiin
inuu dagaalo badan galo billaawga si uu u helo aqoonsi iyo magac lawada garto.
Yool ayey lahaayen oo ahaa side magac u yeelata meelna uga
talisa laakin qorshaha ay ku sameynayeen ma eheyn midkii habboona, waxaana loo baahnaa in ay si xilkasnimo ku jirto u heshiiyaan Nidaam iyo kala danbeyn abuuraan,
markaasna qof waliba magac iyo waji
fiican bulshada ku yeesho sida ka dhacday gobolada qaar.
Ugu danbyen natiijadi waaxa ay noqotay in ay dhaxlaan magac
xun, iyaga oo maanta kuwii nool ay ku jiraan ganbad waayo cid u heysa malahan
waji wanaaag oo ixtiraamba, waxaanla laga yaaba in lagu qabsado arrin uu hore u sameeyay .
Sido kali, mid ka mid ahaa hoggaamiyaashi ayaa galay baarlamaanka, waxana la weydiiyay bal sida uu u arko howsha baarlamaanka .
Waxa uu ku jawaabay " Hebel (Magaciisa ayuu sheegay) oo maanta hal cod leh kawarama oo haddii la rabo la diidaayo".
Kasoo gudub e kaas waxa uu ahaa rag rabay in ay magac ku
helaan Qoray caaraadi iyo qaab qaldan waana khasaaren dhammaantood. Maanta waxaa
soo if-baxay rag iyaguna doonaya in ay caan ku noqdaan Qalin caaraddii,raggu
waa kuwa wax yaqaan laakin qaab qaldan wax iyaguna isku milqay ama aan ka
hadleyn wixii ay barteen ee faraha la gelaaya wax aan eheyn majaalkooda.
Waxaan dhawaan baratay maahmaah Indonesia laga yaqaan oo ah “NINKII
RABA INUU CAAN NOQDO KACBADUU KU KAADSHAA”.
Waxa ay billaabeen fikrado jah wareerin ah oo dhallintii Soomaaliyeed
lagu marin habaabinaayo.
Fikradda la wado looma eegin dhaqanka suuban ee Soomaalida iyo Diintooda sharaftada badan ee
Islaamka ee waxa wax marjic looga dhigay wax aysan soomaalidu garaneyn .
Kuwaan wax qoraaya waxa ay caan ku nqodeen waaydi danbe in
ay sameeyaan qoraalo lagu caynaayo culimada sharaftoodana wax loogu dhimaayo,
waxa ay ku xad gubeen qiimahi ay lahaayen culimadu ayaga oo ka tillaabsady
dhaqankii suubana ee Soomalaida lagu yiqiinay ee ahaa sharfida iyo ixtiraamka
culimada.
Waxaa yimid kuwa aan aqoon dheer u leheyn Diinta oo
dhahaaaya culimadaan sida ay rabaan ayey u fasireen Diinta waxa ay wadaana wax
kama jiraan.
Lama dhahaayo culimadu ma qaldami karaan laakin qalad kasta
waxa uu leeyahy qaab loo saxo.
Haddii wadaad wax si u sheego aan sax eheyn waxaa jooga
culima badan oo saxaaya sidaasna ayaana isaga iyo dhammaan ummadu wax u ogaanayaan
qaabkaas ayaana waligeed la ahaa.
Hadda waxaa soo badanaaya rag aan eheyn wadaad kadibna leh waxaan
sharraxeyna Diinta waayo anaga si sax ah u fahanay. Wadaadna iska dhaafa warkiisa
waayo lama heysto casrigaan la joogo ee waqti kali ayuu noolyahay.
Dadka nuucan ah waxa ay adeegsadeen warbaahin badan si ay
farriintooda u gaarsiiyaan dadka qoraala badana waa sameeyen ha ahaadaan
qormooyin ama buugaag.
Intaas iyo naceyb wadaad kuma ekaane waxa ay maanta gaareen
in ay Diintaba fara gashtaan oo dhahaan saan ayaa sax ah saan sax ma aha ayaaga
oo Maan gororsan wax ku miisaamaya.
Qof waliba oo dhahaaya ama ka hadlaaya arrimaha Diinta waxa
looga baahanyahay shuruudo la’aantoodna ugama hadli karo Diinta mana fatwoo karo. Tusaale qof aanan garaneyn sida wax loo
daweeyo sidee buu u dhihi karaa qofkaan ha qaato dawadaan hana u qaato sidaan
iyo sidaas.
Dadkaan ha bartaan Diinta kadibna haka hadlaan looma diidana
laakin ha daayan bawsiga ay ku hayaan Diinta .
Fikradaha ay kasoo
min guuriyeen reer-galbeedka ma ahan mid cusub laakin waxaa cusub in ay soo
qaadan Soomaali kadibna lagu qoro afkeena sidoo kali waxaa jiray ajaanib ayaga ka horeeyay oo isku dayay in ay
fikradaan abuuraan laakin ku guu darreystay walibana ka aqoon badna kana maal
badnaa oo adeegsanaayay qaab waliba.
Ilaah ayaa mahad leh kaas oo naga dhifay dad Muslimiin ah.
Soomaalidu waxa ay leedahay Culimo kuwaas oo had iyo jeer diyaar u ah tusinta iyo tusaaleynta dadkooda.
Hadaba, anigu waxaan u fahmay kuwaan sidii kuwii qoriga ku
caan baxay laakin aakhir xumaaday, waayo iyaguna waxa ay doonayaan magac dheer
iyo in ay gaaran meel lakain dariiqa ka qalloocday bilaawgiiba.
Hadii aad wax qoreyso
waxaa jira ansahx iyo qaab wanaagsan ooo wax loo qoro, waliba Soomaalidu waa
dad Muslimiin ah mana aqbalayaan fikradaha wareersan ee lala cararaayo maalmahaan
danbe ee kuwa wax qorayoow ha is daalina oo dadkiina dhinac ka raaca.
Qaarba leh waxaa naloo diidaya inaan wax qorno, inaan
fikirno ama aan hal abuurkeena soo bandhigno.
Adeer dhammaan cid kuu diideysa malahan waayo Soomaalidu
waxaa ku jira abwaano, qoraayal caan ah intuna jawigaan ayey ku noolaayeen
waligood, haddii aad wax toosan la imaado sharaf iyo maamus ayaad mudantahay
laakin wax qalloocan iyo Maan Goror-kaan cidi qaadanmeyso, waxaana ku leenahay
naga jooji walaal dhib la’aan.
Saaxibkeey Awdali, waxa uu yri isaga oo ka hadlaaya ansahaxa
qoraalka.
"Intii xun ku qeexa maaha
Qabiilka ku faafi maaha
Dharaar ku qaxweena maaha
Qab iyo is qallooci maaha
Afkiyo dhaqamada qalaadna
U qiiro jabbaani maaha".
Monday, September 8, 2014
Maamul Goboleed mise Hoggaamiye Qabiileed???
Sidaan lawada socono, waxaan qaadanay qaab maamuleedka loo
yaqaan “Federaal” waayihii danbana waxaa lagu mashquulsana in la dhiso ama la
hir geliyo nidaamkaas.
Hadaba markii uu soo baxay nidaamkaan waxaa billaawday
walaac badan oo ka yimid qeybaha kala
duwan ee bulshada, iyada oo waliba ay jiraan dad si gaar ah uga digay nidaamka
Federaalka kuna micneyay fikrad cusub oo shisheeyuhu uga dan leeyahay gacan ku
dhigista dalka mar kali kana dhigan “Qeybi
oo xukun”.
Sidoo kali waxaa jira qeyba kali oo iyaguna taageersan
nidaamkaan haba ugu horeeyaane siyaasiyiintu kuna micneyay qaabka ugu wanaagsan
oo manta lagu xalli karo dhibka jira.
Aniga fikrad ahaan inaan qaadano federal waan kasoo
horjeeda, hadana saas ay tahay waxaan aaminsanahay inuu soca kara nidaamkaan haddii loo helo nidaam iyo qaanuun u degsan kana duwan qaabka
uu hadda ku socdo oo ah qaab aan loo
meel dayin, waxaana daliil u ah in aysan jirin wax haga maalin kasta buuqa ka
jira maamulka cusub ee la dhiso ama mid hore u jiray oo dowlada dhexe isku
dhacaan kadibna kala qaata warqadaaha.
Bal iisheg Maamul Goboleed aasaasidise la isku qaban? Xitaa haddii
la isku qabto laakin qaab Soomaalinimo ay ku jirto loo xalliyo waa fiicnaa
leheed laakin waxaa xalliya ama la aada dal shisheeye si loo soo dhameeyo
khilaafaadka.
Haddii aan usoo laabto ciwaanka maqaalka, waxaa iga keenay markii aan arkay qaabka wax
u socdaan ee aan waxba ka duwaneen waqtigii hoggaamiya kooxeedkii ( dagaal
oogayaashii) dalka ka tali jireen, maxaa yelay ma jirin nidaama ama qawaanin
kala hagta, awood kala qeybsan iyo kala danbeyn nin walibana waxa uu sameyn jiray wixii kusoo
dhaca maalintaas, hadana waa sidi oo kali waayo kama muuqato nidaam dowladeed
kuwa hadda hoggaanka haya , waxaana jira wax yaaba badan oo ay isga egyihiin
sida:
1/ Nidaam iyo Qaanuun: ugu horeyn ma jiro qaab ama nidaam
cad oo loo dejiyay la islana ogyayahnay oo loo dhiso Maamul goboleedyada marka
laga reebo in ay is raaci karaan laba gobol iyo ka badan.
La isma weydiin su’aalaha soo socda, haddii la is
weydiiyayna looma keenin xal.
Yaa xaq u leh inuu hogaamiyo Maamul Goboleed? Waa su’aal
taagan, imisa ayey ka koobnaan doonaan xubnaha maamulkaas ama mid waliba waxaa
loo eegaya dhulka uu ka taliyo?
Maamuladaas, waxa ay leeyihiin wasiiro, waa maxay farqiga u
dhaxeya wasiirkaas iyo kan dowlada dhexe? Maxaa Keenay in magac wadaag laga
dhigo madaxda gobolada iyo kuwa dowlada dhexe?
Maxey la egtahay awooda Maamul Goboledkaas? Waa tan ugu
muhiimsan waayo illa hadda oo aysan si fiican u caga dhigan maamuladaan ayaan
aragana isku milqanka ka dhaxeya dowlada dhexe in ka badan mar iyo laba.
Xildhibaanda dowlad dhexe ku jira, maxaa kala dhexeeya maamuladaan ? Awoodse ma u
leeyahay hoggaamiye Maamul Goboleed inuu shaqo joojin ku sameeyo
xildhibaanadaas ha ahaato amar ama
codsi?
Haddii ay
xildhibanada dowlada dhexe hoos tagaan nin ka taliya Maamul Goboleed
waxa ay igula muuqata in aysan kala cadyn awoodaha lakala leyahay ama awood xad
dhaaf ah la siiyay Maamuladaan.
2/ Danta gaar: waxaa
cajiib ah in nin waliba oo meel ka taliya uu ilaashadho dantiisa gaarka ah
hadduu waayana lagu kala kacaayo.
Sida loo jogo waxaad maqlee waa la is khilaafay ama xariirki
lawada lahaa aya la joojiyay maxaey tahay waxaas laba dal miyaan kala nahay
mise federaalka ayaa sidaa ah?
Haddi Federal saas yahay ma ahan mid na anfacaaya .
Arrintaan waxa ay isoo xasuusine waqtigii hoggaamiyaasha qabiilada
ee aan arki jirnay laba hoggaamye oo maanta wada jooga sheegayna in ay saaxibo
yihiin hadana birri is dagaalaya kadib markii lakala waaya danihii lakala
lahaa.
Arrimahaan oo kali waxa ay soo laablaabteen dhowr jeer,
waxaana keni kara in aysan jirin laba arrimood oo kala ah in ay san jirin awood
kala qeybsan iyo dan gaar oo la ilaashado.
3/ isku dhacyada qabiilada, waa arrin maalmahaan danbe si
weyn usoo laabatay inuu dagaal dhex maro laba reer oo wada deggan ama khilaaf
xoogan soo kala dhex galo kuwa deris ah xitaa waxa jira maamulada qaar xurgufo
ka dhexeeya waxaana sababay nidaamkaan
cusub.
Waxaa isweydiin mudan dad ayaguba saas ah maxey dad bahan u
qaban karaan?
Sidoo kali, arrimaha nuucan ah waxa ay isoo xasuusinayaan dagaaladi
dhowrka sanadood dadka iyo dalka lagu baabi’yay
oo ay calanka u sideen hoggaamiyaal shaar qabiil huwan.
Waxaa wax laga xishooda ah in dad sheeganayaa ama dhab ahaan
ka tirsan dowlad ay ku lug yeeshaan ama sabab u noqdaan dagaalo ama khilaaf
dhib keena.
4/ Cadow u dacwoosho, waxaayabaha ay ka simanyihiin
maamuladaan la rabo in ay Soomaaliya si federal ah uga taliyaan iyo kaabo
qabiiladi hore waxa waaye qaabka ay u dhaqmaan marka uu dhaco khilaaf dhaxdooda
ah.
Kuwii hore waxa ay aadi jiren marka ay rabaan in ay is
dagaalan ama dagaalooda kadib Ethiopia ( Itoobiya ) kadibna waxa ay dhihi jirtay
joojiya dagaalka ama hub ayey soo siin jirtay si ay dagaalka usii wadaan,
kuwaana waa sidii oo kali maanta marka uu dhaco khilaaf laba maamul u dhaxeeya
ama xita dowlada dhexe waxa loo kala carara Itoobiya xita hadda waxaa sii dheer
kuwaan waa dallaceen oo waxa ay isku dacweyaan USA ama Midowga Europe .
Maxaad kusoo kordhiseen dalka walaalayaalow?
Miisaaniyada ku baxda inta ay is heystaan ayaa noogu filan
khasaaro.
Fadlan, bulshadaan abaartu leysay u naxa oo qaabkaan
dowladnimo laguma gaare wax ka bedelan keena ama dadka iyo dalka noo daaya, dad wanaagsan
ayaa idinka badan oo yaqaan sida loo hoggaamiyo ummad.
Nidaam xumidu kuma koobna dhismaha Maamul Goboleedyada e waxa ay ka jirta dowlada dhexe
gudaheeda.
Lama tiri karo inta jeer ay isku dhaceen madaxda sare illa
hadana xal looma hlin waxaan is iri “ Lama rabo in wax la xalliyo” waxaan soo
xasuustay maahmaahdii eheed “ Adeg diid biyaha ayuu kaa dhameeya”
Kuwaan hadda howl wanagasan nooma qabtaan waqtina waa naga
lumiyen xisaab ma leh maaliyadu.
Tusaale waxaa kaaga filan hadda waxaa la isku haya nin ayaa
xil laga qaaday iyo side looga qaadi kara, waxaan is weydiiya miyeysan eheyn
dad hoggaamiya hal dowlad side u dhici kartaa in aysan iska war heyn ama la
isku qabsado qof wax magacaabaya iyo kan casilaayaba?
Dabcan waa sidaan hore usoo sheegay oo ma jiro howl kala
qeybsan iyo awoodo kala xadidan.
Qof waliba warqaddu doono ayuu saxiixa.
Shakiga aan ka qabo federaalka waxa uu sii siyaada marka aan
xasuusto baahida ay Itoobiya u qabto Bad iyo in la dhisay in ka badan 4 Maamul
Goboled oo Itoobiya deris la ah xeebna
leh .
Waxa ay igula muuqata in hadda la bilaabayo qabyaaalad cusub
iyo in Qabiil waliba calan la siiyaanaayo sidaasna ay ku lunto dowlad xoogan oo
Soomaali yeelato.
Ugu danbeyn waan ogahay in ay jirto fikrad madaxda sare
faafiso oo ah in Itoobiya aan saaxibo iyo deris nahay sidaa darteedna aan iska
illaawno taariikhdii hore laakin waxaan leehay waa sax waan nahay deris laakin
inaan illaawno wixii hore waa Maan-Goror aad ku waddaan ummaadaan ee ka
joogsada ma tirtiranto taariikhduye.
Saturday, September 6, 2014
u halgan afkaaga.
Waxa soo badanaaya maalamahaan danbe dhallinyarada wax ku qorta Far-soomaaliga, taas oo micno weyn noo leh haddii aynu nahay soomaali.
waan u mahad naqaya inta ku guuleystay in ay ku qoraan buugaag ama maqaalo taxana ah sidoo kali waxaaan ka codsanaya in lagu daydo asaxaabtaas.
u halgan afkaaga.
waan u mahad naqaya inta ku guuleystay in ay ku qoraan buugaag ama maqaalo taxana ah sidoo kali waxaaan ka codsanaya in lagu daydo asaxaabtaas.
u halgan afkaaga.
Subscribe to:
Posts (Atom)