Maamul Goboleed mise Hoggaamiye Qabiileed???
Sidaan lawada socono, waxaan qaadanay qaab maamuleedka loo
yaqaan “Federaal” waayihii danbana waxaa lagu mashquulsana in la dhiso ama la
hir geliyo nidaamkaas.
Hadaba markii uu soo baxay nidaamkaan waxaa billaawday
walaac badan oo ka yimid qeybaha kala
duwan ee bulshada, iyada oo waliba ay jiraan dad si gaar ah uga digay nidaamka
Federaalka kuna micneyay fikrad cusub oo shisheeyuhu uga dan leeyahay gacan ku
dhigista dalka mar kali kana dhigan “Qeybi
oo xukun”.
Sidoo kali waxaa jira qeyba kali oo iyaguna taageersan
nidaamkaan haba ugu horeeyaane siyaasiyiintu kuna micneyay qaabka ugu wanaagsan
oo manta lagu xalli karo dhibka jira.
Aniga fikrad ahaan inaan qaadano federal waan kasoo
horjeeda, hadana saas ay tahay waxaan aaminsanahay inuu soca kara nidaamkaan haddii loo helo nidaam iyo qaanuun u degsan kana duwan qaabka
uu hadda ku socdo oo ah qaab aan loo
meel dayin, waxaana daliil u ah in aysan jirin wax haga maalin kasta buuqa ka
jira maamulka cusub ee la dhiso ama mid hore u jiray oo dowlada dhexe isku
dhacaan kadibna kala qaata warqadaaha.
Bal iisheg Maamul Goboleed aasaasidise la isku qaban? Xitaa haddii
la isku qabto laakin qaab Soomaalinimo ay ku jirto loo xalliyo waa fiicnaa
leheed laakin waxaa xalliya ama la aada dal shisheeye si loo soo dhameeyo
khilaafaadka.
Haddii aan usoo laabto ciwaanka maqaalka, waxaa iga keenay markii aan arkay qaabka wax
u socdaan ee aan waxba ka duwaneen waqtigii hoggaamiya kooxeedkii ( dagaal
oogayaashii) dalka ka tali jireen, maxaa yelay ma jirin nidaama ama qawaanin
kala hagta, awood kala qeybsan iyo kala danbeyn nin walibana waxa uu sameyn jiray wixii kusoo
dhaca maalintaas, hadana waa sidi oo kali waayo kama muuqato nidaam dowladeed
kuwa hadda hoggaanka haya , waxaana jira wax yaaba badan oo ay isga egyihiin
sida:
1/ Nidaam iyo Qaanuun: ugu horeyn ma jiro qaab ama nidaam
cad oo loo dejiyay la islana ogyayahnay oo loo dhiso Maamul goboleedyada marka
laga reebo in ay is raaci karaan laba gobol iyo ka badan.
La isma weydiin su’aalaha soo socda, haddii la is
weydiiyayna looma keenin xal.
Yaa xaq u leh inuu hogaamiyo Maamul Goboleed? Waa su’aal
taagan, imisa ayey ka koobnaan doonaan xubnaha maamulkaas ama mid waliba waxaa
loo eegaya dhulka uu ka taliyo?
Maamuladaas, waxa ay leeyihiin wasiiro, waa maxay farqiga u
dhaxeya wasiirkaas iyo kan dowlada dhexe? Maxaa Keenay in magac wadaag laga
dhigo madaxda gobolada iyo kuwa dowlada dhexe?
Maxey la egtahay awooda Maamul Goboledkaas? Waa tan ugu
muhiimsan waayo illa hadda oo aysan si fiican u caga dhigan maamuladaan ayaan
aragana isku milqanka ka dhaxeya dowlada dhexe in ka badan mar iyo laba.
Xildhibaanda dowlad dhexe ku jira, maxaa kala dhexeeya maamuladaan ? Awoodse ma u
leeyahay hoggaamiye Maamul Goboleed inuu shaqo joojin ku sameeyo
xildhibaanadaas ha ahaato amar ama
codsi?
Haddii ay
xildhibanada dowlada dhexe hoos tagaan nin ka taliya Maamul Goboleed
waxa ay igula muuqata in aysan kala cadyn awoodaha lakala leyahay ama awood xad
dhaaf ah la siiyay Maamuladaan.
2/ Danta gaar: waxaa
cajiib ah in nin waliba oo meel ka taliya uu ilaashadho dantiisa gaarka ah
hadduu waayana lagu kala kacaayo.
Sida loo jogo waxaad maqlee waa la is khilaafay ama xariirki
lawada lahaa aya la joojiyay maxaey tahay waxaas laba dal miyaan kala nahay
mise federaalka ayaa sidaa ah?
Haddi Federal saas yahay ma ahan mid na anfacaaya .
Arrintaan waxa ay isoo xasuusine waqtigii hoggaamiyaasha qabiilada
ee aan arki jirnay laba hoggaamye oo maanta wada jooga sheegayna in ay saaxibo
yihiin hadana birri is dagaalaya kadib markii lakala waaya danihii lakala
lahaa.
Arrimahaan oo kali waxa ay soo laablaabteen dhowr jeer,
waxaana keni kara in aysan jirin laba arrimood oo kala ah in ay san jirin awood
kala qeybsan iyo dan gaar oo la ilaashado.
3/ isku dhacyada qabiilada, waa arrin maalmahaan danbe si
weyn usoo laabatay inuu dagaal dhex maro laba reer oo wada deggan ama khilaaf
xoogan soo kala dhex galo kuwa deris ah xitaa waxa jira maamulada qaar xurgufo
ka dhexeeya waxaana sababay nidaamkaan
cusub.
Waxaa isweydiin mudan dad ayaguba saas ah maxey dad bahan u
qaban karaan?
Sidoo kali, arrimaha nuucan ah waxa ay isoo xasuusinayaan dagaaladi
dhowrka sanadood dadka iyo dalka lagu baabi’yay
oo ay calanka u sideen hoggaamiyaal shaar qabiil huwan.
Waxaa wax laga xishooda ah in dad sheeganayaa ama dhab ahaan
ka tirsan dowlad ay ku lug yeeshaan ama sabab u noqdaan dagaalo ama khilaaf
dhib keena.
4/ Cadow u dacwoosho, waxaayabaha ay ka simanyihiin
maamuladaan la rabo in ay Soomaaliya si federal ah uga taliyaan iyo kaabo
qabiiladi hore waxa waaye qaabka ay u dhaqmaan marka uu dhaco khilaaf dhaxdooda
ah.
Kuwii hore waxa ay aadi jiren marka ay rabaan in ay is
dagaalan ama dagaalooda kadib Ethiopia ( Itoobiya ) kadibna waxa ay dhihi jirtay
joojiya dagaalka ama hub ayey soo siin jirtay si ay dagaalka usii wadaan,
kuwaana waa sidii oo kali maanta marka uu dhaco khilaaf laba maamul u dhaxeeya
ama xita dowlada dhexe waxa loo kala carara Itoobiya xita hadda waxaa sii dheer
kuwaan waa dallaceen oo waxa ay isku dacweyaan USA ama Midowga Europe .
Maxaad kusoo kordhiseen dalka walaalayaalow?
Miisaaniyada ku baxda inta ay is heystaan ayaa noogu filan
khasaaro.
Fadlan, bulshadaan abaartu leysay u naxa oo qaabkaan
dowladnimo laguma gaare wax ka bedelan keena ama dadka iyo dalka noo daaya, dad wanaagsan
ayaa idinka badan oo yaqaan sida loo hoggaamiyo ummad.
Nidaam xumidu kuma koobna dhismaha Maamul Goboleedyada e waxa ay ka jirta dowlada dhexe
gudaheeda.
Lama tiri karo inta jeer ay isku dhaceen madaxda sare illa
hadana xal looma hlin waxaan is iri “ Lama rabo in wax la xalliyo” waxaan soo
xasuustay maahmaahdii eheed “ Adeg diid biyaha ayuu kaa dhameeya”
Kuwaan hadda howl wanagasan nooma qabtaan waqtina waa naga
lumiyen xisaab ma leh maaliyadu.
Tusaale waxaa kaaga filan hadda waxaa la isku haya nin ayaa
xil laga qaaday iyo side looga qaadi kara, waxaan is weydiiya miyeysan eheyn
dad hoggaamiya hal dowlad side u dhici kartaa in aysan iska war heyn ama la
isku qabsado qof wax magacaabaya iyo kan casilaayaba?
Dabcan waa sidaan hore usoo sheegay oo ma jiro howl kala
qeybsan iyo awoodo kala xadidan.
Qof waliba warqaddu doono ayuu saxiixa.
Shakiga aan ka qabo federaalka waxa uu sii siyaada marka aan
xasuusto baahida ay Itoobiya u qabto Bad iyo in la dhisay in ka badan 4 Maamul
Goboled oo Itoobiya deris la ah xeebna
leh .
Waxa ay igula muuqata in hadda la bilaabayo qabyaaalad cusub
iyo in Qabiil waliba calan la siiyaanaayo sidaasna ay ku lunto dowlad xoogan oo
Soomaali yeelato.
Ugu danbeyn waan ogahay in ay jirto fikrad madaxda sare
faafiso oo ah in Itoobiya aan saaxibo iyo deris nahay sidaa darteedna aan iska
illaawno taariikhdii hore laakin waxaan leehay waa sax waan nahay deris laakin
inaan illaawno wixii hore waa Maan-Goror aad ku waddaan ummaadaan ee ka
joogsada ma tirtiranto taariikhduye.
No comments:
Post a Comment