Dheeman
Dhaayuhu adeey ku dhowrayaan
Dheguhu dhawaqaaqey sugaan
Dhabtii had iyo jeer
Qalbiga adiga dhax yaal.
Dhul kastoon tago Dheemaneey
Dhan kastoon u dhoofaba
Dhiigeeygaad tahoo
Dhuuxaad ku milantahay.
Dhaayaha markaan ku saaray
Dhirirkaaga wacan
Laafyahaaga dheeli tiran
Iyo dhawaqaaqaan diirran
Dheeman garasho dheereey
Caqli tii loo dhameeyaay
Inaan howl dhameeynaan
Dhankeeyga ku uruurshee
Dheeman hey nagu dheereyn
Dhedig inaad wax dheertahay
Dhismahaaga jalaqsan iyo
Joogaageey ku dhigantahaye
Qurxudaan dhemeestiran
Ilaahii sameeyaan
Mahad dhan loo celshaa
Labadii ku dhashoo
Ku dheel-dheelisaan dheemaneey
U duceyn dharaar walba.
Dhib iyo dheef dhammaan
Waan ku dhowranayaa
Dheemaneey dhiigeygiyeey
Dhankeyga dhameeyee
Hey nagu dheereyn
Daar weyn inaan dhisnoo
Qoys dhorsanooo adag
Dhidibada u taagnoo
Dhallaan daadaheeynaan
Dhankeeyga ku uruushee
Dheeman hey nagu dheereyn.
Dhanka kali dheemaaney
Dadkaan ka dhalanaan
Dhiiri geli leheen
Dhulkii hooyaan
Dugsi ka dhisi leheen
Dhallaan, dumar iyo
Intii dhibaateysanaan
Daryeeli leheen
Dhaxalkii dadkeenaan
Dheemaneey difaaci leheen .
No comments:
Post a Comment