Saaxib Rumaad.
Dhammaan waxaa
laga simanyahay baahida loo qabo saaxib wanaagsan in la yeesho.
Aniga nasiib
wanaag, waxaan ka mid ahay dadka ay u suura gashay in ay yeeshaan saaxib fiican
ilaah mahadiis.
Anaga oo yar
ayaan is barangay inkasta oo an ka da’ weyna, waxa uu ahaa fasalka ugu danbeeya
dugsiga hoose anna koowad dugsi dhexe.
Waxa ay ila
eheed layaab, marki uu Maxamed Cabdi Xirsi (shine) habeen igu yiri “ waxaan
rabaa inaan noqo saxibo Lillaahi ah”
Dhallin yarda
xaafadda qaar badan ayaa eheen saaxibo midna ima dhihin hadalkaan oo kali anna
sidoo kali.
Waxaan is
weydiiyay sababta uu u dhahay, waayo dadka marka ay saaxibo noqonayaan waxa ay
ku imaaada in ay wada sheekeysaaan, wada ciyaaran in badan kadibna sidaas
iskula qabsadaan oo noqdaan dad isku dhaw isna jecel.
Laakin sida uu
uga duwana hadalkiisu ayuu mustaqbalkiina uga duwanaaday asaxaabta kali.
Waxa uu ahaa
wiil yar oo barbarian waansgan ku socotay e sidaas ayaan ku saaxibnay illa aan
gaarnay saaxibo laga yaqaan xaafadda sida ay isku fahansanyihiin.
Waxaan eheen
laba wada qaata waqti badan waayo isku xaafad iyo school-ba wa aeheen, waxaana
fursad u heli jirnay inaan is aragno in badan.
Nolosheena kali,
waxaan eheen kuwa ku raaxeysta barnaamijyada ama howlaha noo yaal.
Tusaala ahaan,
waxaan wada akhrisan jirnay Qur’aanka kariimka, ma xasuusto inta jeer ee aan si
wada jir ah u akhrinay laakin waxaan hubaa inaan ka dhegeystay laba jeer Qur’aanka
oo dhan.
Isku caawintaan
xagga Qur’aanka ilaah amarkiis, waxa ay keentay inaan si qota dheer isku sii
fahano.
Maan eheen kuwa
ka dhax baxa bulshada ee asaxaabta xaafadda waan wada ciyaari jirnay, ha ahaato
ciyaar xaafdeed, kubbad, ama sheekooyinka kali ee dhallin yarada xaafadda.
Mararka qaar,
waxaan la joogi jirnay odayda iyo dadka naga da’ da weyn si aan uga qeyb qaadano
doodaha siyaasada iyo arrimaha taagan taasna waxa ay noo sahashay inaan helno
waayo aragnimo.
Waxaan eheen
laba isla fahan wax badan isla ciyaarida kubbada cagata waxa ay noo eheed sheeko kali oo
musalsal ah.
Intaas oo dhan
waxaa asal u ahaa wax barashada iyo sidaan ugu dadaali jirnay, wixii leyli ah
iyo aqoon kororsiba dadaal uma reeban jirin, waliba waxan xasuusta inaan
taratmada degmooyinka Muqdsho marka la gaaro Ramadaanka safka hore fadhi jirnay.
Intaas iyo qaar
kali oo badan, waxa ay noo maceey jireen jawiga iyo nolosha, ilaahna waa naga
xijaabay dhibaato iyo meel xun.
Inkasta oo an
waqti badan wada qaadanay, hadana manta la joogo waxan kala maqanahay waqti kali oo badan laakin marka
aan dib u milicsado sheekooyinkeeni hore waxa ay ila noqota inaan wada joogno.
Saaxibka runta
ah waa kan had iyo jeer wanaaga kula jecel kuna garab istaagasan, diyaarna u ah
inuu kula qeybsado wax waliba.
Ilaah dartiis
ayaan isku jecelnahay ee ilaah hanaga dhigo kuwa harsada maalinta Qiyaamo hooskiisa..