Wednesday, December 31, 2014

Inta lagu xisaabin is xisaabi.

Khilaaf kama taagna in Waqtigu muhiim yahay sidaas darted qof waliba oo  waqtigiisa ka faa'iideysta ama Dal waliba oo si wanaagsan waqtigiisa u maamula waa ka dheereeya dhinaca horumarka kuwa kali.
Reer Galbeedku waxa ay dhahaan "waqtigu waa Dahab", anaguna waxaan dhahnaa "Waqtigu waa Nolol" waayo qofkii dhinta waqtigu waa ka dhamaaday .
Ahmiyada uu leeyahay waqtigu waxaa lagu sheegay Qur'aanka iyo Sunnaddi Nabigeena csw sidoo kalana dhamaan dadka wanaagsan waxa ay tilmaameen muhiimadiisa.
Waxaa daliil u ah in Ilaah ku dhaartay  waqtigsa qeybihiisa kala duwan sida Subax ama Galab Ama Habeen iyo maalin  iwm. Culimada daba raacay waxa ay kasoo saaren in sirta ku jirta ay ka mid tahay ahmiyada uu leeyahay waqtiga.
Nabiga csw, waxa uu leehay "ka faa'iideyso dhallinyaranimadaada ka hor Duqnimadaada".
Waa sax, marka aad eegtana Diinteena islaamka waxa ay siisay waqtiga  fadli dheeri ah 
Hadaba su'aasha taagan ayaa ah side uga faa'iideysana???
Hadda waxaa dhamaaday sanad. Haye maxaa kala hartay sanadkaas? Side uga faa'iideysatay adi ahaan? Maxaa kuu hir galay intii aad qorsheysay ? ma is xisaabisay waxa aad qabsatay?
Qofka inta uusan is xisaabin marka hore waa in uu meel ku wajahnaada tusaale ahaan.
Inaad tahay Arday ama qof shaqeeya iwm.
Hadaa tahay arday waa inaad dejisa jadwal si aad u hagaajiso waqtigaada, sida waqti aad aado goobta  tacliintaada, waqti aad akhriso dibna aad u raacdo casharadii aad soo qaadatay.
Waa inaad leedahay waqti aad kaga qeyb qaadato danaha guud iyo ka qeyb qaadashada wax yaabaha deg degga ah. ma ahan waqtigaaga oo dhan inaad wax ka buuxiso, waa in aad reebataa waqti wixii soo dhaca oo deg deg ah aad ku fuliso .
Dhanka kali qofka shaqaalaha  ama ganacasade ah waa inuu asna leeyahay jadwal uu raaco kaas oo la iskula xisaabtamo inta ka hirgashay howshi qabsoontay.
Waa in la dejiya qorshe laga leeyahay horumar iyo horu socosho wixii qaldamana la saxo hadii ay ahaan weydo qaabkii la rabay .
Sidoo kali qof ahaan waa inaad qaadata siminaaro (Aqoon kororsi) kugu haga qaabka loo maareeyo waqtiga adigana waa inaad u fulisa shaqo ahaan.
Haddii aad maamusho  hey'ad ama wixii la mid ah, waa in ay lahaata ula jeedo qeexan iyo waqti qoran oo la rabo in lagu hergeliyo Kadibna la iskula xisaabtamo maxaa ka qabsoomay waxaan ku ballanay.
Waxaan rabaa si aan ciwaanka uga bixin inaan qof ahaan uga hadlo sida aan u sameynaayo jadwal shaqeedka.

"Waxaan ahay arday waaa inaa diyaariya
1/ Jadwalka waxbrashada waqtigaan aadayo  iyo waqtigaan imaanayo.
2/ Waxaa  jira waqti aan akriyo cashirada igu ah waajib sidoo kalana waa in aan leehay waqti aan akhriyo buugaag dheeri ah si aan sare ugu qaado tusaala ahaan waa in aay dhahaaa tira intaas buug  ( Lambar sheeg) waa  inaan akriyaa sanadkaan. Culimadu, waxa ay dhahaan waa inaad 50% akhrisaa waxa aad baratay oo majaalkaaga ah 50% kalina u qeybi wax yaabaha kali si aad u noqoto qof wax badan ka war haya macluuma kugu filan ka heysta.
3/ Waa inaan leeyahay waqti aan la kulmo qaraabada ama asaxaabta( qaraabo salaan) aniga oo ka baaran degaya in ay isaga key dhax yaacaan.
4/ Marka laga soo tago wax yaabaha igu waajib ah sida salaada ama cibaado kali, waa inaan leeyahay waqti aan dhisaayo ama xoojinaayo xariirka Rabbi, mararka qaar si jamaaci ah ayaad u samey kartaan adiga iyo asaxaabta ( Wixii aad awoodo sameey oo Ilaah kuu dhaweey kara).
5/ Maadama aan arday ahay waa inaan ka ag dhawaada aqoonayahanada iyo dadka wax barta .
6/Waa in ay degsanaata dhammaan ama inta badan waxa aan qabanaayo sanadkaan bil ahaan iyo isbuuc ahaan iyo waliba waqti go'an. ( Jadwal bil ah ama isbuuc)

6/ Waa in aan daba socda waxi iiga qabsoomay inta lagu jiro mudadaan, markuu dhamaado waqtigii aan qabsaday waa in aan isla xisaabtama maxaan qabtay maxaa ii qabsami waayay wixii qabsoomi waayay maxey u qabsoomi waayen???
7/ Ka bacdi waa inaan soo saara natiijada aan helay.
Maxaan kala haray sanadkii tegay??
Dowlad ama hey'ad ama mu'asasa kasta ama qof waliba waa in ay leeyihiin jadwal cad oo lagu shaqeeyo kadibna laga soo saaro natiija muuqata.
8/ wax yaabo khiyaali ah ha degsan ama suurta geleyn oo micno weyn leheen sida waa inaan adduunka oo dhan ka taliya sandkaan gudihiisa ama waa inaan sida diyaarada u duuula iwm waayo ma ahan wax xisaab ku yimid hadalkaas .
kama soo horjeedo, in qofku lahaado han weyn laakin wax waliba waa in ay ahaadan wax qorshe ku degsan oo laga mira dhali karo.


Inta lagu xisaabin is xisaabi.
Waqtigu waa socdaa ee la soco inta uusan kaa tegin.

W/Q: Maxamed Macalin Axmed Baari.

20/1/2014.

Friday, December 5, 2014

Cabsida Ilaah.




Cabsida ilaah waa nagu waajib dhammaanteen oo ilaah waxa ku leeyahay meela badan oo Qur’aanka ah  “ Kuwii Alle iyo Rasuul rumeeyow ilaah ka baqa” .
Sidoo kali nabigeena (csw) waxa uu yiri “ Ilaah ka baqa meel waliba oo aad joogtaan”

Ilaah ka baq oo wixii uu ku faray sameey wixii uu kaa reebay-na ka har oo ka fogaaw.

Waxa uu yiri  Cali Bin Abii Dalib –ilaah haka raali noqdee-isaga oo ka hadlaaya ka cabsashada ilaah waa “ inaad ka baqdo ilaah weyn, ku camal fasho kitaabka ilaah, ku qanacdo wixii yar  (oo lagu qoray) una diyaar garowdo maalinta Qiyaamo”.

Ka cabsashada ilaah waa furaha guusha nolosheena, waana yoolkena ugu weyn oo aan dooneyno inaan ku gaarno raali ahaanshada ilaah.
Haddii aad dareentay dhibaato fara badan iyo culeys ku saaran badi cabsida ilaah oo mar waliba u deg deg towbada ilaah iyo weydisiga deni dhaaf.
Ilaah qofkii ka baqa, waa u fududeeya arrimihiisa.
Ilaah haddii ka baqdo waa kuu debi dhaafa.
Ilaah ka biqidiisa ayaa lagu gaara horumar iyo wanaag badan oo ilaah waxa uu leeyahay “ qofkii ilaah ka baqa, ilaah ayaa al-baab  meel uga fura , waxa uuna ka arsuqa meel uusan ka filaneyn “

Xitaa hadii  ay kugu adkaatay wax barahada ama ad ku dhacday sanad waxba ha niyad jebin oo badi cabsida ilaah maxaa yeelay ilaah waxa uu leeyahy “ilaah ka baqa wuu idin barayaaye”
Cabsida ilaah ayaa lagu gaara naxarista Eeebe sidaa darteed waxaan nafteeda iyo idinkaba idin kula dardaarma inaan mar waliba  ilaah ka cabsano .

Mahadsanidiin.



Thursday, November 27, 2014

Saaxib.






Saaxib Rumaad.



Dhammaan waxaa laga simanyahay baahida loo qabo saaxib wanaagsan in la yeesho.

Aniga nasiib wanaag, waxaan ka mid ahay dadka ay u suura gashay in ay yeeshaan saaxib fiican ilaah mahadiis.
Anaga oo yar ayaan is barangay inkasta oo an ka da’ weyna, waxa uu ahaa fasalka ugu danbeeya dugsiga hoose anna koowad dugsi dhexe.
Waxa ay ila eheed layaab, marki uu Maxamed Cabdi Xirsi (shine) habeen igu yiri “ waxaan rabaa inaan noqo saxibo Lillaahi ah”
Dhallin yarda xaafadda qaar badan ayaa eheen saaxibo midna ima dhihin hadalkaan oo kali anna sidoo kali.
Waxaan is weydiiyay sababta uu u dhahay, waayo dadka marka ay saaxibo noqonayaan waxa ay ku imaaada in ay wada sheekeysaaan, wada ciyaaran in badan kadibna sidaas iskula qabsadaan oo noqdaan dad isku dhaw isna jecel.
Laakin sida uu uga duwana hadalkiisu ayuu mustaqbalkiina uga duwanaaday asaxaabta kali.

Waxa uu ahaa wiil yar oo barbarian waansgan ku socotay e sidaas ayaan ku saaxibnay illa aan gaarnay saaxibo laga yaqaan xaafadda sida ay isku fahansanyihiin.
Waxaan eheen laba wada qaata waqti badan waayo isku xaafad iyo school-ba wa aeheen, waxaana fursad u heli jirnay inaan is aragno in badan.
Nolosheena kali, waxaan eheen kuwa ku raaxeysta barnaamijyada ama howlaha noo yaal.
Tusaala ahaan, waxaan wada akhrisan jirnay Qur’aanka kariimka, ma xasuusto inta jeer ee aan si wada jir ah u akhrinay laakin waxaan hubaa inaan ka dhegeystay laba jeer Qur’aanka oo dhan.
Isku caawintaan xagga Qur’aanka ilaah amarkiis, waxa ay keentay inaan si qota dheer isku sii fahano.

Maan eheen kuwa ka dhax baxa bulshada ee asaxaabta xaafadda waan wada ciyaari jirnay, ha ahaato ciyaar xaafdeed, kubbad, ama sheekooyinka kali ee dhallin yarada xaafadda.
Mararka qaar, waxaan la joogi jirnay odayda iyo dadka naga da’ da weyn si aan uga qeyb qaadano doodaha siyaasada iyo arrimaha taagan taasna waxa ay noo sahashay inaan helno waayo aragnimo.
Waxaan eheen laba isla fahan wax badan isla ciyaarida kubbada  cagata waxa ay noo eheed sheeko kali oo musalsal ah.

Intaas oo dhan waxaa asal u ahaa wax barashada iyo sidaan ugu dadaali jirnay, wixii leyli ah iyo aqoon kororsiba dadaal uma reeban jirin, waliba waxan xasuusta inaan taratmada degmooyinka Muqdsho marka la gaaro Ramadaanka  safka hore fadhi jirnay.
Intaas iyo qaar kali oo badan, waxa ay noo maceey jireen jawiga iyo nolosha, ilaahna waa naga xijaabay dhibaato iyo meel xun.
Inkasta oo an waqti badan wada qaadanay, hadana manta la joogo waxan kala  maqanahay waqti kali oo badan laakin marka aan dib u milicsado sheekooyinkeeni hore waxa ay ila noqota inaan wada joogno.
Saaxibka runta ah waa kan had iyo jeer wanaaga kula jecel kuna garab istaagasan, diyaarna u ah inuu kula qeybsado wax waliba.

Ilaah dartiis ayaan isku jecelnahay ee ilaah hanaga dhigo kuwa harsada maalinta Qiyaamo hooskiisa..


Friday, October 17, 2014

La jiifiya banaan la joojiyaana banaan!!!

La jiifiya banaan la joojiyaana banaan!!! 

Caalamka maanta waxaa hoggaanka u haya reer-galbeedka halka ay iyagu doonaan ayey u jeediyaan. Dad badan ayaa qaba fikrada nucaan ah.
Marka la eego wadamada islaamka iyo carabta amaba meelaha ay ku noolyihiin dad yar oo musliimin ah, waxaa lagu haya dagaal nuuc waliba ah, dhanka dhaqaalaha, siyaasada iyo xiriirka caalamiga,  dowladi la rabo ama ay is fahmi waayaan  xiriirka ayaa loo jara cuna qabateyna waa la dul saara, dowladaha qaarna dagaal  la isku wacday ayaa lagu qaaday laguna burburiyay sida Ciraaq iyo Afghanistaan.

Marka intaas oo idil laga soo tago wax yaabaha lagu gummaado waxaa ka mid ah wax ay u bixyeen qaanuunka caalamka ama sharci ay iyagu u dejiyeen sida ay rabaan reer-galbeedku oo lagu kala hago dowladaha .
Wax yaabaha cajiibka ah waxaa ka mid ah codka loo yaqaan veto power oo ah wax adduunka lagu kala soocaayo kuna salleysneyn caqli iyo qaanuun toona,  adduunka oo dhan haddii ay wax isku raacaan wali kaas ayaa istaaji kara oo codkooda lama maqlaayo kadibna iyaga ayaa ku leh ma ahan in la is kala sooco hadana waa kan la leeyahay dowlada gaar ah ayaa majaraha u haya go’aanka caalamka .
Waa maan goror in loo jilba xirnaado 5 dowladood iyo wax la mid ah .
Waa sax dowlad waliba halagu qadariyo awoodeeda ciidan iyo dhaqaale laakin ma aha in ay wax ka duwanaato  dowladaha kali marka la yimaado cod ama ra’yi.

Wax yaabha aan la yaabo waxaa ka mid ah in  dowlad islaam ah aysan sameysan Karin hub adag haddii ay si qarsoodi ah ku smaeysatana loo dhigay intaas oo jid gooyo ayaga oo ku andacoonaya waxa ay u isticmaalayaan si khaldan .
Aan is weydiine waa tuma dowlada kaliya ee illa hadda lagu hayo taariikhda in ay isticmaashay hubka nuclear-ka  ? Dabcan America.

Ma rabo inaan dib ugu laabto taariikh dheer laakin waxaan ka hadlaya waxa hadda taagan.
Waxaa loo heshiiyay in caalamka islaamka la daba rogo, anaguna nasiib darro ma fahmsanin haddi aan fahano shacab ahaana waxaa noo madax ah kuwa iyaga ka biya cabay oo loogu talay in ay na lug-gooyaan.
Fartaada oo xumaata filiqtan kaagama harto!
Soomaaliya iyo Afghaanistaan mar hore ayaa la gubay.
Hadda Libya, Yeman, Suuriya Iyo Ciraaq holac ayaa ka baxaaya.
Falastiin dhulkeedi waa la xoogay.
Khaliij lacagtoodi marki ay na dhameey weysay maanta iyaga ayaa ka qeyb qaadanaya duulaanka lagu dilaayo dad xaqooqdi la duudsaday mar hore.

Hadda la joogo waxaad maqlee in adduunka u midoobay si loola dagaalamo kooxda Daacish –fikrad ahaan ma taageersani- iyada oo lagu eedeynaayo in ay geeysteen gummaad ka dhan ah aadanaha.
Waxaa iga su’aal ah maxaa loo samey waayey marka dal dhan ( Falastiin) inta lagu soo duulo intaas oo sano la dilaayo dadkii degana waliba la qaxinaayo.  Waxaa ugu danbeeyay in 51 maalin la garaacayay  lana dilay dumar iyo caruur tira leheen, waxa la dumiyay Masaajido iyo Schoolo iyada oo hal dowlad oo tiri   gumeystahaan   gummadka ku haya dadkaan  tillabo halaga qaado aysan jirin. Ha ahaato mid Carab ama Europe iyo America ee waliba waa lagu caawinaayay.
Allow alle,
Maxaa lo sameey waayay  is baheysi difaaca marka Muslimiinta Central Africa jirkooda waddooyinka lagu jarjarayay ?
Maxaa lo samey waayay markii Burma intaas oo sanadooda ayaga oo nool la gubaayay?
Xitaa haddi ay dhahayaan waxan badbaadineyna nolosha dadka –ilaah aa badbaadshe- maxey waxa uga qaban waayeen kuwa kaligood taliska ah ee intaas sanadood dil iyo xabsi ku haya dadka aan waxba galabsan ee fikrad ahaan kasoo hor jeeda , waa kan in ka badan 3 sano Bishaar shacabkiisa dhameeyay mexeey tillaba ah oo ay ka qaadeen ?
Alle kaas oo kali maxeey buuxaan !!

Marka aad si hoose  u eegto waxaa aad fahmee in ayna kala jecleyn  wixi la dilaayo ee ay tahay maxa dan noogu jira, mararka qaarna  “Qawda maqashii waxna how qaban”
Wixii mashruuc ah waa la gelaya wixii kalena waa  afka ka xiro ee kama ahan Aadanimo.
Intaas oo magac ayey sameeyn oo ay dhahayaan waxa aan ku ilaalineyna xuquuqda Aadanaha.
Yaa ka badan maanta America oo ku tuntay xuquuqda dad aan waxba galabsan imisa ayey ku tageertay in ay ku xad gudbaan dad kali?

Hadda aan joogno waxaa lagu haya xad gudub gar darro ah Masjida barakeysan ee Al-aqsaa, ma jirto dowlad islaam ama Carab ah oo ka hadleysa sidoo kali caalmaka lama hayo wax  isku soo qaadaya. Aaway muqadasnimdii goobaha lagu cibaadeysto?.
Dhammaan waxaas ma jiraan waa sidaan kuu sheegay “La jiifiya banaan la joojiyaana banaaan”
Haddii kaniisad dhagax lagu tuuri lahaa – inksata oo aan qadarino goob cibaado oo dhan-caawa lama hurdeen gaalo iyo muslim afka la furan lahaa .

Dhinacya badan markaad ka eegto waxaa kuuso baxaaya maan gororka lagu hayo dadkaan iyo sida naloogu shubaayo in reer-galbeed kaliya yaqaanan nolosha saxda ah.
Waa sax dadkooda iyo dalkoda ma khiyaani karaan laakin waxa dulman waa adiga .
Mar waliba oo aan ka sii durugno manhajka ilaah dulli ayaan sii geleynaa ee waa inaan usoo laabana kitaabka ilaah una towbad keeno ilaah weyn kadibna insha allah waxaa hubaal ah sida ilaah noo ballan qaaday sharaf  iyo karaamo.
Gugii carabta, ka dib shucubtu waxa ay doorteen hoggaamiyaal ay rabaan waa la daba gediyay oo shirqool gude iyo dibbaded loo dhigay, kuwa ku haya dimuquraadiyad ayaan ilaalina mid aamusa iyo mid sii jeesta ayey noqdeen sow ma aha “La jiifiya banaan la joojiyaana banaaan”
Hadda waxaa gubanaya Libya iyo Yemen wax ka hadlaaya ama go’aan wax ku ool ah ka qaadanyaa ma jiro gobol ahaan ama caalami ahaan. Imisa dhimatay?  la isma weydiinaayo.
Sidaan waxa looga bixi karaa Midnimo, Manhajka Ilaah oo loo soo laabto iyo hoggaan wanaagsan oo ummaddaan dariiqa saxda ah ku hoggaamiya.
Lama soo kobi karo, laakin aniga waxa aan u arka in ay tahay sidii sheekadi  wadaadkii Soomaliga ee  nalooga sheekey jiray oo eheed in wixii aad rabtana dhahdo waa xalala wxii kalina maya “ La jiifiya banaan la joojiyaana banaaan”..


Thursday, October 16, 2014

Dheeman




Dheeman

Dhaayuhu adeey ku dhowrayaan
Dheguhu dhawaqaaqey sugaan
Dhabtii had iyo jeer
Qalbiga adiga dhax yaal.

Dhul kastoon tago Dheemaneey
Dhan kastoon u dhoofaba
Dhiigeeygaad tahoo
Dhuuxaad ku milantahay.

Dhaayaha  markaan ku saaray  
Dhirirkaaga wacan
Laafyahaaga dheeli tiran
Iyo dhawaqaaqaan  diirran
Dheeman garasho dheereey
Caqli tii loo dhameeyaay
Inaan howl dhameeynaan
Dhankeeyga ku uruurshee
Dheeman hey nagu dheereyn


Dhedig inaad wax  dheertahay
Dhismahaaga jalaqsan iyo
Joogaageey ku dhigantahaye
Qurxudaan dhemeestiran
Ilaahii sameeyaan
Mahad dhan  loo celshaa
Labadii ku dhashoo
Ku dheel-dheelisaan dheemaneey
U duceyn dharaar walba.

Dhib iyo dheef  dhammaan
Waan ku dhowranayaa
Dheemaneey dhiigeygiyeey
Dhankeyga dhameeyee
Hey nagu dheereyn

Daar weyn inaan dhisnoo
Qoys dhorsanooo adag
Dhidibada u taagnoo
Dhallaan daadaheeynaan
Dhankeeyga ku uruushee
Dheeman hey nagu dheereyn.

Dhanka kali dheemaaney
Dadkaan ka dhalanaan
Dhiiri geli leheen
Dhulkii hooyaan
Dugsi ka dhisi leheen
Dhallaan, dumar iyo
Intii dhibaateysanaan
Daryeeli  leheen
Dhaxalkii dadkeenaan
Dheemaneey difaaci leheen .


Thursday, October 9, 2014

Federaal



 
"Federaal fool xumadiisa 
Miyaan farta la igula fiiqeyn 
Illeen mawada firsan karnee
Far isku taagiyo fool cusub 
Miyaan farxad moodnaa ???

Ficil kaloo faduul ahbeey
Maanta noo furayaan e
Farsamaan fahmeyniniyo
Waxbaa la isku filqaaye.
File aan dhamaanbaa
Maalinba naloo furayaa
Foogtana mid kala loo fadhiya
Inaan Faarah ahayiyo
Farxaanimadada nalo kala fasiraya
Fahan darradeena baas baa
laga faa'ideysana
Fitna horaa laso faagaya
Mid cusbna waa la furaya
Isma hurta lakala fogeynaya
xigatana wa lakala firdhinaya
Farriintaan iga faafiyoo
Fikirkiina bedela oo
Furqaanka Eebe  raacoo
Ka feejignaadaa Federaalka.
Fasahaadabey falkinayaane
Ka feejignaada federaalka
Faquuqbey faaninayaane
ka feejignaada federaalka
Fikir kale faafinayaane
ka feejignaada federaalka
Fashil kale Farshaxayaane
Ka feejignaada federaalka
Faraj eeaba Furaye
Ka fejignaada fedraaalka.


Max'ed M. Axmed (Baari).

5/Aug/2014..

Sunday, September 28, 2014

Dardaaran



Mar waliba oo la iga casuumo  aroos waxaa buuxi jiray qalbigeyga farxad maba kusii jirto marka qof aan aqaano ama qaraabo nahay arooso.


Sanadkaan waxa uu ii lahaa dareen  gaar ah waayo waxaa aroosay dad badan oo ii dhaw taasna waxa ay igu dhalisay inaan siiyo  dadkaas dardaaran iyo talooyin  haba iska yaraadaane.
Dardaarankaan waa mid aan ugu tala galay saaxib igu qaali ah laakin waa mid aan is leehay dadka oo idil ayuu la dardaarmaya anigaba aan iska billaabe.
Inkasta oo aan guursanin wali hadana waxaan ogahay  in “Guurku”  yahay mas’uuliyad weyn una baahan in looga soo baxo sida ugu wanaagsan si loo helo bulsho wax tar leh.
Lammaanaha kalgaceyl kuwada noolaada waxa ay soo saaran caruur maskax furan oo mustaqbal fiican leh.


Halkaan waxaan jeclahay  inaan kusoo gudbiyo dardaarn aan u qoray qaab suugaan ah inkasta oo aan eheyn abwaan waxaa ka buuxa deel-qaaf taasna waan idinka raali gelinaya.
Hore waxaan u qoray dardaaran laakin kaas waxa uu ku wajahana madaxda hadana waa guurka.



“ Duceysanoow heedhe
Dardaarankaan horuu qaado
Dadab-galkiina Daa’im ha dhowre.
 Dharka uun ii dhaq maaha
Dhuuniga ii dhaweey maaha
Dharaar iyo habeen dhammaan
Ku qeyla dhaami maaha .
 Dhib yaro dhaca dabadeed
Dacar dillaaci maaha
Dharbax oo  dalaaq maaha
 Duruus ha doonan maaha
Deriska how degan maaha
Dabuub dhoohan iyo dhawaq
 dhibaaya dheh maaha
Duhur waliba dhaliil maaha
Dulqad la’aanoow maaha
Diidmiyo daneyn la’aan maaha
Darajadana ka durji maaha
 Duceysanoow heedhe
Kaliga doobi maaha
Dhawaqeed ha dhegeysan maaha
Dulmi la doon doon maaha
Xaqana dudsii maaha
Dood haddey timaadana
Afka ka dabool maaha .
 Duceysanoow heedhe
Dardaarankeygu waxaa waaye
Daacada Eebe doon waaye
Dariiqi Rasuulka (scw) raac waaye
Deganaashiyo diirsi hel waaye
Dahabadaadaa daryeel waaye
Dhallaan daadaheey waaye
Ka duwanaaw daciif waaye.
 Daar weyn dhisoo dhowr waaye
Dadaal dheeriya sameey waaye
Dhuux iy dhiig wadaag waaye
Kalgaceyl dhameystir waaye
Dhawaq diiran iyo dheelsiin waaye
 Danta guud ilaali waaye
Dhugasho fiican lahaaw waaye
Daryeel oo daweey waaye
Daaha daakira waaye
Tahajudkana dukada waaye
Denbi ka duceysta waaye
Dar ilaah u noolaada waaye
 Dayaxa  sare u duula waaye
Dulmi how dhaweyn waaye
Dirirna ka daay waaye
Ul iyo diirkeed ahaada waaye
Iskuna duubnaada daa’im  waaye”



Wabillaahi Towfiiq.

Friday, September 26, 2014




Dardaaran.

Dadka yaan  la Daalin
Yaan la daba rogin
Dooqoodana la Dhicin.

Dalka yaan la Dumin
Dibbad loo Dareerin
Darajana la waayin

Dumarka yaan la Dooxin
Asaay la dul saarin
Dayac loo bareerin

Dhallaanka yaan la Dhaawicin
Dariiqa laga Doorinin
Dibna loo Dhaliilin

Dulucdiyo dhawaaqeyga
Danta aan u daadago
Dulmiga hala Daayo
Dilka hala Dhaafo
Doorashada hala dhowro
Dimoquradiyada daadiyaha
Dadkana yaan la dinbaajin
Doorane waa Diyaare
Degaanka hanalo dejiyo
Ninkii doona daraja dheeriyana
Dariiq loo mara dhigan

Dhan kali aan ka dhugto
Daahir hala sii daayo
Dahabo yaan wax loo dhimin
Dhaawacyada yaan la dawa tirin
Digtoorada ha dul joogaan
Dugsiyadana dib haloo furo.

Daalim aan usii digo
Garsoore haloo daayo
Dilaaye daqiiqad dabadeed
Dilbaa u danbeeye

Dardaaran aan ku sii daro
Midnimadaa dan noo ah
Maanshaqeynta dahaba
Duhur yaan nala xadin
Dal jir wada ahaano
Ninkii dayaca deyrkiis
Diiwaanka qarankiyo
Taariikhda halagu dhigo
Naceyb hanagala daayo
Daacad wada ahaano
Dar Alle u dhaqaaqno
Ugu danbeyntiina dadkeygow
Dadaalkeyga waajibkiyo
Dardaaranka kama daalo


#Dardaaran

Maxamed M Axmed Baari

30/5/2014


Monday, September 22, 2014

Maan Goror.


Maan Goror.


Qoraalkii igu soo gaar
Qaahira qaararkeede.Qalbigisu qeexay niinkiiQoray qadaadufkaase.Qowm horaa ku khasaarayKana Qalama weeynaayeAsna Qaadir hadduu yiraaKu quus qaada doonyeQowl qallafsanuu ahaaQorsho laga lahaayeCulimaduu u quuri waayeQiimahoodi qeexnaaye.Qalad buu ka maaganaQadarina muu quurineIsma qabtaha qeylinaayaQalin yuu idinku qaldina". 

Waxaa dhici karta qofku inuu rabo inuu noqdo caan markaas”Yoolkiisu” waxa uu ka dhigtay sida uu ku noqon lahaa caan .
Si uu u gaaro heerkaas waxa uu sameynayaa qorshe. Qorshahaas dadka wanaagsan waa mid u leh nidaam iyo mabaadi’ kuwaas oo aan waxba u dhimeyn qiimaha iyo qaayaha uu leeyahay qofkaas iyo waxa ku hareerreysan. Tusaala ahaan ma dejisanaayo qorshe ka hor imaanaya Diintiisa iyo wanaaga dadkiisa.
Laakin qofka aan kala jecleyn wanaag iyo la’aantiis waxaa dhacda inuu wax badan isku lifaaqo si uu u gaaro yoolkiisa kamana fikiro dadka kali ama waxa ku hareererysan, ma ilaaliyo anshax iyo sharaf toona mana kala yaqaan dariiqa furan ee la maro iyo kan xiran (howtul hamag).
Waayadi Dowladi dhexe kadib, dalku waxa uu galay fowdo taas oo keentay in dadka qaar  sameeyaan wixii kusoo dhaca maadama uusan jirin nidaam loo wada hoggaaansamo, waxaa dhacay dagaalo badan oo marba waji cusub lahaa.
Wax yaabaha cajiibka lahaa waxaa ka mid ah in qofkii raba inuu caan noqdo ama magac yeesho uu sameeyn  jiray wax laga naxo sida inuu is-baaro dhigto” Jid Gooyo”. Qofka is-baarda leh waxa uu ka ahaa caan goobtaas, waxa uu isku dayi jiray  inuu sameeyo wax yaabo uu uga duwanyahay is-baarooyinka kale.
Qaarba dadka miisami jiray si looga qaado lacag u dhiganta culeyskooda,  qaar kalina waxaa la oran jiray qofka maanta nasiib ayaad leedaahay kaliya hees qaad waa lagu deynaaya.
Intaas kadib waxa dhacday in la billaabo shirarkii nabadeynta iyo  heshiisiinta, Nin ka mid aha hogaamiyaashi  waagaas jiray  ayaa maalin loo diiday shir inuu ka qeyb galo waayo mid kali oo metala beesha ayaa galay,  waxaana lagu yiri “shirka waa loo dhanyahay ee iska laabo”
Afka ayuu furtay isaga oo ku dhawaaqaya mid ka mid ahaa raggi fadhiyay  shirka kadibna yiri “ Hebel ayaa galay anna waa la i celinaya ciddeyduba yeeli meyso”.
Halkaas ayuu gaaray Maan Gororka raggii mudda dheer dalka qasay ee dhibkoodi  illa hadda aan ka kaba la’nahay.
Ninki raba inuu noqodo hoggaamiya caan ah, waxaa lagu yiqiin inuu dagaalo badan galo billaawga si uu u helo aqoonsi iyo magac lawada garto.
Yool ayey lahaayen oo ahaa side magac u yeelata meelna uga talisa laakin qorshaha ay ku sameynayeen ma eheyn midkii habboona, waxaana loo baahnaa in ay si xilkasnimo ku jirto u heshiiyaan Nidaam iyo kala danbeyn abuuraan, markaasna  qof waliba magac iyo waji fiican bulshada ku yeesho sida ka dhacday gobolada qaar.
Ugu danbyen natiijadi waaxa ay noqotay in ay dhaxlaan magac xun, iyaga oo maanta kuwii nool ay ku jiraan ganbad waayo cid u heysa malahan waji wanaaag oo ixtiraamba, waxaanla laga yaaba in lagu qabsado arrin uu hore u sameeyay .
Sido kali, mid ka mid ahaa hoggaamiyaashi ayaa galay baarlamaanka, waxana la weydiiyay bal sida uu u arko howsha baarlamaanka .
Waxa uu ku jawaabay " Hebel (Magaciisa ayuu sheegay) oo maanta hal cod leh kawarama oo haddii la rabo la diidaayo".

Kasoo gudub e kaas waxa uu ahaa rag rabay in ay magac ku helaan Qoray  caaraadi iyo qaab qaldan waana khasaaren dhammaantood. Maanta waxaa soo if-baxay rag iyaguna doonaya in ay caan ku noqdaan Qalin caaraddii,raggu waa kuwa wax yaqaan laakin qaab qaldan wax iyaguna isku milqay ama aan ka hadleyn wixii ay barteen ee faraha la gelaaya wax aan eheyn majaalkooda.
Waxaan dhawaan baratay maahmaah Indonesia laga yaqaan oo ah “NINKII RABA INUU CAAN NOQDO KACBADUU KU KAADSHAA”.

Waxa ay billaabeen fikrado jah wareerin ah oo dhallintii Soomaaliyeed lagu marin habaabinaayo.
Fikradda la wado looma eegin dhaqanka suuban ee  Soomaalida iyo Diintooda sharaftada badan ee Islaamka ee waxa wax marjic looga dhigay wax aysan soomaalidu garaneyn .
Kuwaan wax qoraaya waxa ay caan ku nqodeen waaydi danbe in ay sameeyaan qoraalo lagu caynaayo culimada sharaftoodana wax loogu dhimaayo, waxa ay ku xad gubeen qiimahi ay lahaayen culimadu ayaga oo ka tillaabsady dhaqankii suubana ee Soomalaida lagu yiqiinay ee ahaa sharfida iyo ixtiraamka culimada.
Waxaa yimid kuwa aan aqoon dheer u leheyn Diinta oo dhahaaaya culimadaan sida ay rabaan ayey u fasireen Diinta waxa ay wadaana wax kama jiraan.
Lama dhahaayo culimadu ma qaldami karaan laakin qalad kasta waxa uu leeyahy qaab loo saxo.
Haddii wadaad wax si u sheego aan sax eheyn waxaa jooga culima badan oo saxaaya sidaasna ayaana isaga iyo dhammaan ummadu wax u ogaanayaan qaabkaas ayaana waligeed la ahaa.
Hadda waxaa soo badanaaya  rag aan eheyn wadaad kadibna leh waxaan sharraxeyna  Diinta waayo anaga si sax ah u fahanay. Wadaadna iska dhaafa warkiisa waayo lama heysto casrigaan la joogo ee   waqti kali ayuu noolyahay.
Dadka nuucan ah waxa ay adeegsadeen warbaahin badan si ay farriintooda u gaarsiiyaan dadka qoraala badana waa sameeyen ha ahaadaan qormooyin ama buugaag.
Intaas iyo naceyb wadaad kuma ekaane waxa ay maanta gaareen in ay Diintaba fara gashtaan oo dhahaan saan ayaa sax ah saan sax ma aha ayaaga oo Maan gororsan wax ku miisaamaya.
Qof waliba oo dhahaaya ama ka hadlaaya arrimaha Diinta waxa looga baahanyahay shuruudo la’aantoodna ugama hadli karo Diinta mana fatwoo karo.  Tusaale qof aanan garaneyn sida wax loo daweeyo sidee buu u dhihi karaa qofkaan ha qaato dawadaan hana u qaato sidaan iyo sidaas.
Dadkaan ha bartaan Diinta kadibna haka hadlaan looma diidana laakin ha daayan bawsiga ay ku hayaan Diinta .
Fikradaha    ay kasoo min guuriyeen reer-galbeedka ma ahan mid cusub laakin waxaa cusub in ay soo qaadan Soomaali kadibna lagu qoro afkeena sidoo kali waxaa jiray ajaanib  ayaga ka horeeyay oo isku dayay in ay fikradaan abuuraan laakin ku guu darreystay walibana ka aqoon badna kana maal badnaa oo adeegsanaayay qaab waliba.
Ilaah ayaa mahad leh kaas oo naga dhifay dad Muslimiin ah.
Soomaalidu waxa ay leedahay Culimo kuwaas oo had iyo jeer diyaar u ah tusinta iyo tusaaleynta dadkooda.
Hadaba, anigu waxaan u fahmay kuwaan sidii kuwii qoriga ku caan baxay laakin aakhir xumaaday, waayo iyaguna waxa ay doonayaan magac dheer iyo in ay gaaran meel lakain dariiqa ka qalloocday bilaawgiiba.
Hadii aad  wax qoreyso waxaa jira ansahx iyo qaab wanaagsan ooo wax loo qoro, waliba Soomaalidu waa dad Muslimiin ah mana aqbalayaan  fikradaha wareersan ee lala cararaayo maalmahaan danbe ee kuwa wax qorayoow ha is daalina oo dadkiina dhinac ka raaca.
Qaarba leh waxaa naloo diidaya inaan wax qorno, inaan fikirno ama aan hal abuurkeena soo bandhigno.
Adeer dhammaan cid kuu diideysa malahan waayo Soomaalidu waxaa ku jira abwaano, qoraayal caan ah intuna jawigaan ayey ku noolaayeen waligood, haddii aad wax toosan la imaado sharaf iyo maamus ayaad mudantahay laakin wax qalloocan iyo Maan Goror-kaan cidi qaadanmeyso, waxaana ku leenahay naga jooji walaal dhib la’aan.
Saaxibkeey Awdali, waxa uu yri isaga oo ka hadlaaya ansahaxa qoraalka.

"Intii xun ku qeexa maaha
Qabiilka ku faafi maaha
Dharaar ku qaxweena maaha
Qab iyo is qallooci maaha
Afkiyo dhaqamada qalaadna
U qiiro jabbaani maaha".


Monday, September 8, 2014

Maamul Goboleed mise Hoggaamiye Qabiileed???

Sidaan lawada socono, waxaan qaadanay qaab maamuleedka loo yaqaan “Federaal” waayihii danbana waxaa lagu mashquulsana in la dhiso ama la hir geliyo nidaamkaas.
Hadaba markii uu soo baxay nidaamkaan waxaa billaawday walaac badan oo  ka yimid qeybaha kala duwan ee bulshada, iyada oo waliba ay jiraan dad si gaar ah uga digay nidaamka Federaalka kuna micneyay fikrad cusub oo shisheeyuhu uga dan leeyahay gacan ku dhigista dalka mar kali kana dhigan     “Qeybi oo xukun”.
Sidoo kali waxaa jira qeyba kali oo iyaguna taageersan nidaamkaan haba ugu horeeyaane siyaasiyiintu kuna micneyay qaabka ugu wanaagsan oo manta lagu xalli karo dhibka jira.
Aniga fikrad ahaan inaan qaadano federal waan kasoo horjeeda, hadana saas ay tahay waxaan aaminsanahay inuu  soca kara nidaamkaan haddii loo helo  nidaam iyo qaanuun u degsan kana duwan qaabka uu hadda ku socdo  oo ah qaab aan loo meel dayin, waxaana daliil u ah in aysan jirin wax haga maalin kasta buuqa ka jira maamulka cusub ee la dhiso ama mid hore u jiray oo dowlada dhexe isku dhacaan kadibna kala qaata warqadaaha.
Bal iisheg Maamul Goboleed aasaasidise la isku qaban? Xitaa haddii la isku qabto laakin qaab Soomaalinimo ay ku jirto loo xalliyo waa fiicnaa leheed laakin waxaa xalliya ama la aada dal shisheeye si loo soo dhameeyo khilaafaadka.
Haddii aan usoo laabto ciwaanka maqaalka,  waxaa iga keenay markii aan arkay qaabka wax u socdaan ee aan waxba ka duwaneen waqtigii hoggaamiya kooxeedkii ( dagaal oogayaashii) dalka ka tali jireen, maxaa yelay ma jirin nidaama ama qawaanin kala hagta, awood kala qeybsan iyo kala danbeyn  nin walibana waxa uu sameyn jiray wixii kusoo dhaca maalintaas, hadana waa sidi oo kali waayo kama muuqato nidaam dowladeed kuwa hadda hoggaanka haya , waxaana jira wax yaaba badan oo ay isga egyihiin sida:
1/ Nidaam iyo Qaanuun: ugu horeyn ma jiro qaab ama nidaam cad oo loo dejiyay la islana ogyayahnay oo loo dhiso Maamul goboleedyada marka laga reebo in ay is raaci karaan laba gobol iyo ka badan.
La isma weydiin su’aalaha soo socda, haddii la is weydiiyayna looma keenin xal.
Yaa xaq u leh inuu hogaamiyo Maamul Goboleed? Waa su’aal taagan, imisa ayey ka koobnaan doonaan xubnaha maamulkaas ama mid waliba waxaa loo eegaya dhulka uu ka taliyo?
Maamuladaas, waxa ay leeyihiin wasiiro, waa maxay farqiga u dhaxeya wasiirkaas iyo kan dowlada dhexe? Maxaa Keenay in magac wadaag laga dhigo madaxda gobolada iyo kuwa dowlada dhexe?
Maxey la egtahay awooda Maamul Goboledkaas? Waa tan ugu muhiimsan waayo illa hadda oo aysan si fiican u caga dhigan maamuladaan ayaan aragana isku milqanka ka dhaxeya dowlada dhexe in ka badan mar iyo laba.
Xildhibaanda dowlad dhexe ku jira,  maxaa kala dhexeeya maamuladaan ? Awoodse ma u leeyahay hoggaamiye Maamul Goboleed inuu shaqo joojin ku sameeyo xildhibaanadaas ha ahaato  amar ama codsi?
Haddii ay  xildhibanada dowlada dhexe hoos tagaan nin ka taliya Maamul Goboleed waxa ay igula muuqata in aysan kala cadyn awoodaha lakala leyahay ama awood xad dhaaf ah la siiyay Maamuladaan.
2/  Danta gaar: waxaa cajiib ah in nin waliba oo meel ka taliya uu ilaashadho dantiisa gaarka ah hadduu waayana lagu kala kacaayo.
Sida loo jogo waxaad maqlee waa la is khilaafay ama xariirki lawada lahaa aya la joojiyay maxaey tahay waxaas laba dal miyaan kala nahay mise federaalka ayaa sidaa ah?
Haddi Federal saas yahay ma ahan mid na anfacaaya .
Arrintaan waxa ay isoo xasuusine waqtigii hoggaamiyaasha qabiilada ee aan arki jirnay laba hoggaamye oo maanta wada jooga sheegayna in ay saaxibo yihiin hadana birri is dagaalaya kadib markii lakala waaya danihii lakala lahaa.
Arrimahaan oo kali waxa ay soo laablaabteen dhowr jeer, waxaana keni kara in aysan jirin laba arrimood oo kala ah in ay san jirin awood kala qeybsan iyo dan gaar oo la  ilaashado.
3/ isku dhacyada qabiilada, waa arrin maalmahaan danbe si weyn usoo laabatay inuu dagaal dhex maro laba reer oo wada deggan ama khilaaf xoogan soo kala dhex galo kuwa deris ah xitaa waxa jira maamulada qaar xurgufo ka dhexeeya  waxaana sababay nidaamkaan cusub.
Waxaa isweydiin mudan dad ayaguba saas ah maxey dad bahan u qaban karaan?
Sidoo kali, arrimaha nuucan ah waxa ay isoo xasuusinayaan dagaaladi dhowrka sanadood dadka iyo dalka lagu baabi’yay  oo ay calanka u sideen hoggaamiyaal shaar qabiil huwan.
Waxaa wax laga xishooda ah in dad sheeganayaa ama dhab ahaan ka tirsan dowlad ay ku lug yeeshaan ama sabab u noqdaan dagaalo ama khilaaf dhib keena.
4/ Cadow u dacwoosho, waxaayabaha ay ka simanyihiin maamuladaan la rabo in ay Soomaaliya si federal ah uga taliyaan iyo kaabo qabiiladi hore waxa waaye qaabka ay u dhaqmaan marka uu dhaco khilaaf dhaxdooda ah.
Kuwii hore waxa ay aadi jiren marka ay rabaan in ay is dagaalan ama dagaalooda kadib Ethiopia                 ( Itoobiya ) kadibna waxa ay dhihi jirtay joojiya dagaalka ama hub ayey soo siin jirtay si ay dagaalka usii wadaan, kuwaana waa sidii oo kali maanta marka uu dhaco khilaaf laba maamul u dhaxeeya ama xita dowlada dhexe waxa loo kala carara Itoobiya xita hadda waxaa sii dheer kuwaan waa dallaceen oo waxa ay isku dacweyaan USA ama Midowga Europe .
Maxaad kusoo kordhiseen dalka walaalayaalow?
Miisaaniyada ku baxda inta ay is heystaan ayaa noogu filan khasaaro.
Fadlan, bulshadaan abaartu leysay u naxa oo qaabkaan dowladnimo laguma gaare wax ka bedelan keena  ama dadka iyo dalka noo daaya, dad wanaagsan ayaa idinka badan oo yaqaan sida loo hoggaamiyo ummad.
Nidaam xumidu kuma koobna dhismaha Maamul  Goboleedyada e waxa ay ka jirta dowlada dhexe gudaheeda.
Lama tiri karo inta jeer ay isku dhaceen madaxda sare illa hadana xal looma hlin waxaan is iri “ Lama rabo in wax la xalliyo” waxaan soo xasuustay maahmaahdii eheed “ Adeg diid biyaha ayuu kaa dhameeya”
Kuwaan hadda howl wanagasan nooma qabtaan waqtina waa naga lumiyen xisaab ma leh maaliyadu.
Tusaale waxaa kaaga filan hadda waxaa la isku haya nin ayaa xil laga qaaday iyo side looga qaadi kara, waxaan is weydiiya miyeysan eheyn dad hoggaamiya hal dowlad side u dhici kartaa in aysan iska war heyn ama la isku qabsado qof wax magacaabaya iyo kan casilaayaba?
Dabcan waa sidaan hore usoo sheegay oo ma jiro howl kala qeybsan iyo awoodo kala xadidan.
Qof waliba warqaddu doono ayuu saxiixa.
Shakiga aan ka qabo federaalka waxa uu sii siyaada marka aan xasuusto baahida ay Itoobiya u qabto Bad iyo in la dhisay in ka badan 4 Maamul Goboled oo Itoobiya deris la ah  xeebna leh .
Waxa ay igula muuqata in hadda la bilaabayo qabyaaalad cusub iyo in Qabiil waliba calan la siiyaanaayo sidaasna ay ku lunto dowlad xoogan oo Soomaali yeelato.
Ugu danbeyn waan ogahay in ay jirto fikrad madaxda sare faafiso oo ah in Itoobiya aan saaxibo iyo deris nahay sidaa darteedna aan iska illaawno taariikhdii hore laakin waxaan leehay waa sax waan nahay deris laakin inaan illaawno wixii hore waa Maan-Goror aad ku waddaan ummaadaan ee ka joogsada ma  tirtiranto taariikhduye.