Monday, September 8, 2014

Maamul Goboleed mise Hoggaamiye Qabiileed???

Sidaan lawada socono, waxaan qaadanay qaab maamuleedka loo yaqaan “Federaal” waayihii danbana waxaa lagu mashquulsana in la dhiso ama la hir geliyo nidaamkaas.
Hadaba markii uu soo baxay nidaamkaan waxaa billaawday walaac badan oo  ka yimid qeybaha kala duwan ee bulshada, iyada oo waliba ay jiraan dad si gaar ah uga digay nidaamka Federaalka kuna micneyay fikrad cusub oo shisheeyuhu uga dan leeyahay gacan ku dhigista dalka mar kali kana dhigan     “Qeybi oo xukun”.
Sidoo kali waxaa jira qeyba kali oo iyaguna taageersan nidaamkaan haba ugu horeeyaane siyaasiyiintu kuna micneyay qaabka ugu wanaagsan oo manta lagu xalli karo dhibka jira.
Aniga fikrad ahaan inaan qaadano federal waan kasoo horjeeda, hadana saas ay tahay waxaan aaminsanahay inuu  soca kara nidaamkaan haddii loo helo  nidaam iyo qaanuun u degsan kana duwan qaabka uu hadda ku socdo  oo ah qaab aan loo meel dayin, waxaana daliil u ah in aysan jirin wax haga maalin kasta buuqa ka jira maamulka cusub ee la dhiso ama mid hore u jiray oo dowlada dhexe isku dhacaan kadibna kala qaata warqadaaha.
Bal iisheg Maamul Goboleed aasaasidise la isku qaban? Xitaa haddii la isku qabto laakin qaab Soomaalinimo ay ku jirto loo xalliyo waa fiicnaa leheed laakin waxaa xalliya ama la aada dal shisheeye si loo soo dhameeyo khilaafaadka.
Haddii aan usoo laabto ciwaanka maqaalka,  waxaa iga keenay markii aan arkay qaabka wax u socdaan ee aan waxba ka duwaneen waqtigii hoggaamiya kooxeedkii ( dagaal oogayaashii) dalka ka tali jireen, maxaa yelay ma jirin nidaama ama qawaanin kala hagta, awood kala qeybsan iyo kala danbeyn  nin walibana waxa uu sameyn jiray wixii kusoo dhaca maalintaas, hadana waa sidi oo kali waayo kama muuqato nidaam dowladeed kuwa hadda hoggaanka haya , waxaana jira wax yaaba badan oo ay isga egyihiin sida:
1/ Nidaam iyo Qaanuun: ugu horeyn ma jiro qaab ama nidaam cad oo loo dejiyay la islana ogyayahnay oo loo dhiso Maamul goboleedyada marka laga reebo in ay is raaci karaan laba gobol iyo ka badan.
La isma weydiin su’aalaha soo socda, haddii la is weydiiyayna looma keenin xal.
Yaa xaq u leh inuu hogaamiyo Maamul Goboleed? Waa su’aal taagan, imisa ayey ka koobnaan doonaan xubnaha maamulkaas ama mid waliba waxaa loo eegaya dhulka uu ka taliyo?
Maamuladaas, waxa ay leeyihiin wasiiro, waa maxay farqiga u dhaxeya wasiirkaas iyo kan dowlada dhexe? Maxaa Keenay in magac wadaag laga dhigo madaxda gobolada iyo kuwa dowlada dhexe?
Maxey la egtahay awooda Maamul Goboledkaas? Waa tan ugu muhiimsan waayo illa hadda oo aysan si fiican u caga dhigan maamuladaan ayaan aragana isku milqanka ka dhaxeya dowlada dhexe in ka badan mar iyo laba.
Xildhibaanda dowlad dhexe ku jira,  maxaa kala dhexeeya maamuladaan ? Awoodse ma u leeyahay hoggaamiye Maamul Goboleed inuu shaqo joojin ku sameeyo xildhibaanadaas ha ahaato  amar ama codsi?
Haddii ay  xildhibanada dowlada dhexe hoos tagaan nin ka taliya Maamul Goboleed waxa ay igula muuqata in aysan kala cadyn awoodaha lakala leyahay ama awood xad dhaaf ah la siiyay Maamuladaan.
2/  Danta gaar: waxaa cajiib ah in nin waliba oo meel ka taliya uu ilaashadho dantiisa gaarka ah hadduu waayana lagu kala kacaayo.
Sida loo jogo waxaad maqlee waa la is khilaafay ama xariirki lawada lahaa aya la joojiyay maxaey tahay waxaas laba dal miyaan kala nahay mise federaalka ayaa sidaa ah?
Haddi Federal saas yahay ma ahan mid na anfacaaya .
Arrintaan waxa ay isoo xasuusine waqtigii hoggaamiyaasha qabiilada ee aan arki jirnay laba hoggaamye oo maanta wada jooga sheegayna in ay saaxibo yihiin hadana birri is dagaalaya kadib markii lakala waaya danihii lakala lahaa.
Arrimahaan oo kali waxa ay soo laablaabteen dhowr jeer, waxaana keni kara in aysan jirin laba arrimood oo kala ah in ay san jirin awood kala qeybsan iyo dan gaar oo la  ilaashado.
3/ isku dhacyada qabiilada, waa arrin maalmahaan danbe si weyn usoo laabatay inuu dagaal dhex maro laba reer oo wada deggan ama khilaaf xoogan soo kala dhex galo kuwa deris ah xitaa waxa jira maamulada qaar xurgufo ka dhexeeya  waxaana sababay nidaamkaan cusub.
Waxaa isweydiin mudan dad ayaguba saas ah maxey dad bahan u qaban karaan?
Sidoo kali, arrimaha nuucan ah waxa ay isoo xasuusinayaan dagaaladi dhowrka sanadood dadka iyo dalka lagu baabi’yay  oo ay calanka u sideen hoggaamiyaal shaar qabiil huwan.
Waxaa wax laga xishooda ah in dad sheeganayaa ama dhab ahaan ka tirsan dowlad ay ku lug yeeshaan ama sabab u noqdaan dagaalo ama khilaaf dhib keena.
4/ Cadow u dacwoosho, waxaayabaha ay ka simanyihiin maamuladaan la rabo in ay Soomaaliya si federal ah uga taliyaan iyo kaabo qabiiladi hore waxa waaye qaabka ay u dhaqmaan marka uu dhaco khilaaf dhaxdooda ah.
Kuwii hore waxa ay aadi jiren marka ay rabaan in ay is dagaalan ama dagaalooda kadib Ethiopia                 ( Itoobiya ) kadibna waxa ay dhihi jirtay joojiya dagaalka ama hub ayey soo siin jirtay si ay dagaalka usii wadaan, kuwaana waa sidii oo kali maanta marka uu dhaco khilaaf laba maamul u dhaxeeya ama xita dowlada dhexe waxa loo kala carara Itoobiya xita hadda waxaa sii dheer kuwaan waa dallaceen oo waxa ay isku dacweyaan USA ama Midowga Europe .
Maxaad kusoo kordhiseen dalka walaalayaalow?
Miisaaniyada ku baxda inta ay is heystaan ayaa noogu filan khasaaro.
Fadlan, bulshadaan abaartu leysay u naxa oo qaabkaan dowladnimo laguma gaare wax ka bedelan keena  ama dadka iyo dalka noo daaya, dad wanaagsan ayaa idinka badan oo yaqaan sida loo hoggaamiyo ummad.
Nidaam xumidu kuma koobna dhismaha Maamul  Goboleedyada e waxa ay ka jirta dowlada dhexe gudaheeda.
Lama tiri karo inta jeer ay isku dhaceen madaxda sare illa hadana xal looma hlin waxaan is iri “ Lama rabo in wax la xalliyo” waxaan soo xasuustay maahmaahdii eheed “ Adeg diid biyaha ayuu kaa dhameeya”
Kuwaan hadda howl wanagasan nooma qabtaan waqtina waa naga lumiyen xisaab ma leh maaliyadu.
Tusaale waxaa kaaga filan hadda waxaa la isku haya nin ayaa xil laga qaaday iyo side looga qaadi kara, waxaan is weydiiya miyeysan eheyn dad hoggaamiya hal dowlad side u dhici kartaa in aysan iska war heyn ama la isku qabsado qof wax magacaabaya iyo kan casilaayaba?
Dabcan waa sidaan hore usoo sheegay oo ma jiro howl kala qeybsan iyo awoodo kala xadidan.
Qof waliba warqaddu doono ayuu saxiixa.
Shakiga aan ka qabo federaalka waxa uu sii siyaada marka aan xasuusto baahida ay Itoobiya u qabto Bad iyo in la dhisay in ka badan 4 Maamul Goboled oo Itoobiya deris la ah  xeebna leh .
Waxa ay igula muuqata in hadda la bilaabayo qabyaaalad cusub iyo in Qabiil waliba calan la siiyaanaayo sidaasna ay ku lunto dowlad xoogan oo Soomaali yeelato.
Ugu danbeyn waan ogahay in ay jirto fikrad madaxda sare faafiso oo ah in Itoobiya aan saaxibo iyo deris nahay sidaa darteedna aan iska illaawno taariikhdii hore laakin waxaan leehay waa sax waan nahay deris laakin inaan illaawno wixii hore waa Maan-Goror aad ku waddaan ummaadaan ee ka joogsada ma  tirtiranto taariikhduye.


No comments:

Post a Comment