Inta lagu xisaabin is xisaabi.
Khilaaf kama taagna in Waqtigu muhiim yahay sidaas darted qof waliba oo waqtigiisa ka faa'iideysta ama Dal waliba oo si wanaagsan waqtigiisa u maamula waa ka dheereeya dhinaca horumarka kuwa kali.
Reer Galbeedku waxa ay dhahaan "waqtigu waa Dahab", anaguna waxaan dhahnaa "Waqtigu waa Nolol" waayo qofkii dhinta waqtigu waa ka dhamaaday .
Ahmiyada uu leeyahay waqtigu waxaa lagu sheegay Qur'aanka iyo Sunnaddi Nabigeena csw sidoo kalana dhamaan dadka wanaagsan waxa ay tilmaameen muhiimadiisa.
Waxaa daliil u ah in Ilaah ku dhaartay waqtigsa qeybihiisa kala duwan sida Subax ama Galab Ama Habeen iyo maalin iwm. Culimada daba raacay waxa ay kasoo saaren in sirta ku jirta ay ka mid tahay ahmiyada uu leeyahay waqtiga.
Nabiga csw, waxa uu leehay "ka faa'iideyso dhallinyaranimadaada ka hor Duqnimadaada".
Waa sax, marka aad eegtana Diinteena islaamka waxa ay siisay waqtiga fadli dheeri ah
Hadaba su'aasha taagan ayaa ah side uga faa'iideysana???
Hadda waxaa dhamaaday sanad. Haye maxaa kala hartay sanadkaas? Side uga faa'iideysatay adi ahaan? Maxaa kuu hir galay intii aad qorsheysay ? ma is xisaabisay waxa aad qabsatay?
Qofka inta uusan is xisaabin marka hore waa in uu meel ku wajahnaada tusaale ahaan.
Inaad tahay Arday ama qof shaqeeya iwm.
Hadaa tahay arday waa inaad dejisa jadwal si aad u hagaajiso waqtigaada, sida waqti aad aado goobta tacliintaada, waqti aad akhriso dibna aad u raacdo casharadii aad soo qaadatay.
Waa inaad leedahay waqti aad kaga qeyb qaadato danaha guud iyo ka qeyb qaadashada wax yaabaha deg degga ah. ma ahan waqtigaaga oo dhan inaad wax ka buuxiso, waa in aad reebataa waqti wixii soo dhaca oo deg deg ah aad ku fuliso .
Dhanka kali qofka shaqaalaha ama ganacasade ah waa inuu asna leeyahay jadwal uu raaco kaas oo la iskula xisaabtamo inta ka hirgashay howshi qabsoontay.
Waa in la dejiya qorshe laga leeyahay horumar iyo horu socosho wixii qaldamana la saxo hadii ay ahaan weydo qaabkii la rabay .
Sidoo kali qof ahaan waa inaad qaadata siminaaro (Aqoon kororsi) kugu haga qaabka loo maareeyo waqtiga adigana waa inaad u fulisa shaqo ahaan.
Haddii aad maamusho hey'ad ama wixii la mid ah, waa in ay lahaata ula jeedo qeexan iyo waqti qoran oo la rabo in lagu hergeliyo Kadibna la iskula xisaabtamo maxaa ka qabsoomay waxaan ku ballanay.
Waxaan rabaa si aan ciwaanka uga bixin inaan qof ahaan uga hadlo sida aan u sameynaayo jadwal shaqeedka.
"Waxaan ahay arday waaa inaa diyaariya
1/ Jadwalka waxbrashada waqtigaan aadayo iyo waqtigaan imaanayo.
2/ Waxaa jira waqti aan akriyo cashirada igu ah waajib sidoo kalana waa in aan leehay waqti aan akhriyo buugaag dheeri ah si aan sare ugu qaado tusaala ahaan waa in aay dhahaaa tira intaas buug ( Lambar sheeg) waa inaan akriyaa sanadkaan. Culimadu, waxa ay dhahaan waa inaad 50% akhrisaa waxa aad baratay oo majaalkaaga ah 50% kalina u qeybi wax yaabaha kali si aad u noqoto qof wax badan ka war haya macluuma kugu filan ka heysta.
3/ Waa inaan leeyahay waqti aan la kulmo qaraabada ama asaxaabta( qaraabo salaan) aniga oo ka baaran degaya in ay isaga key dhax yaacaan.
4/ Marka laga soo tago wax yaabaha igu waajib ah sida salaada ama cibaado kali, waa inaan leeyahay waqti aan dhisaayo ama xoojinaayo xariirka Rabbi, mararka qaar si jamaaci ah ayaad u samey kartaan adiga iyo asaxaabta ( Wixii aad awoodo sameey oo Ilaah kuu dhaweey kara).
5/ Maadama aan arday ahay waa inaan ka ag dhawaada aqoonayahanada iyo dadka wax barta .
6/Waa in ay degsanaata dhammaan ama inta badan waxa aan qabanaayo sanadkaan bil ahaan iyo isbuuc ahaan iyo waliba waqti go'an. ( Jadwal bil ah ama isbuuc)
6/ Waa in aan daba socda waxi iiga qabsoomay inta lagu jiro mudadaan, markuu dhamaado waqtigii aan qabsaday waa in aan isla xisaabtama maxaan qabtay maxaa ii qabsami waayay wixii qabsoomi waayay maxey u qabsoomi waayen???
7/ Ka bacdi waa inaan soo saara natiijada aan helay.
Maxaan kala haray sanadkii tegay??
Dowlad ama hey'ad ama mu'asasa kasta ama qof waliba waa in ay leeyihiin jadwal cad oo lagu shaqeeyo kadibna laga soo saaro natiija muuqata.
8/ wax yaabo khiyaali ah ha degsan ama suurta geleyn oo micno weyn leheen sida waa inaan adduunka oo dhan ka taliya sandkaan gudihiisa ama waa inaan sida diyaarada u duuula iwm waayo ma ahan wax xisaab ku yimid hadalkaas .
kama soo horjeedo, in qofku lahaado han weyn laakin wax waliba waa in ay ahaadan wax qorshe ku degsan oo laga mira dhali karo.
Inta lagu xisaabin is xisaabi.
Waqtigu waa socdaa ee la soco inta uusan kaa tegin.
W/Q: Maxamed Macalin Axmed Baari.
20/1/2014.
No comments:
Post a Comment